Coldoon oo caddeeyey SAFARKA ugu horreeya ee uu gelayo, goorta iyo halka uu aadayo

0

(Hargaysa) 10 Juun 2020 – Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo 4 maalmood kahor lasii daayey kaddib markii uu xirnaa muddo sanad ka badan, ayaa ka hadlay meesha ugu horreeysa ee uu tegayo.

Coldoon ayaa bartiisa kusoo qoray war gaaban oo u dhignaa sidatan: ”Barri Burco, inshaa Allaah.”

Coldoon oo ah gayfane bulsho sidoo kalena agaasima howlo badan oo samafal ah ayaa lagu eedeeyey inuu jebiyey qodobbo ka tirsan Dastuurka Somaliland, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen waxyaabo uu ku hadlay ama qoray sida:

“Taliskani tubtii buu hayaa talisyadii hoogay!”
“Taliska Muuse Biixi waa Taliskii Cabdi Ilay oo soo koraya!”

“Dugsiga Abaarso waxaa ardayda lagu baraa isu galmoodka dadka isku jinsiga ah iyo in dugsigaasi lagu barto diin aan ahayn tan Islaamka!”

Waxaa wararkan oo loo qoray sidii koontooyin dembi oo kala nooc ah lagu soo daray qodobbo la sheegay inuu jebiyay, balse aan la sharrixin sida ay arrintan dembi uga dhigayaan, kuwaasoo oo kala ah Qodobbada 44-aad, 45-aad 61XCG.

Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay ilaa 13 qofood oo la sheegay inay ku marag furayaan eedaysane Coldoon oo magacyadooda lagu xusay qoraalka.

Maamulka Somaliland ayaa lagu eedeeyaa inuu gacan adag oo aan sharci ahayn kula dhaqmo Xoriyadda Hadalka oo ka mid waxyaabaha asaasiga u ah madax bannaanida umadda & xorriyaddooda madaniga ah ee Dastuurka ku cad.

Hadalsame Media