RW Abiy Ahmed oo hal arrin been ka sheegay mid kalena ballan qaaday (Maxay Itoobiya damacsan tahay?)

0

(Addis Ababa) 10 Juun 2020 – RW Itoobiya ee Abiy Ahmed oo ay beryahan dadku is waydiinayaan inuu weli ku socdo kalaam siyaasadeedkii uu kusoo shaac baxay iyo inuu ka xiise dhacaya ayaa markale muujiyey moowqifkiisa.

RW Abiy Ahmed ayaa hal arrin ka been sheegay, taasoo ah in aanay Itoobiya abid cid kale wax u gaysan, isaga oo dhanka kale caddeeyey ujeedka Itoobiyada maanta.

“Itoobiya malaha taariikh ay cid kale waxyeello ugu gaysatey, mana doonayso hadda inay u gaysato,” ayuu Abiy ku arartay.

Baahideennu waa mid uun – inaan horumarno oo baraarno. Isla markaana aannu dadkeenna ka bixinno gacanta faqriga.” – ayuu daba dhigay Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii tegey hantay Billada Nabadda ee Nobel Peace Prize, isaga oo sheegay inuu doonayo inay iskaashadaan dalalka Geeska Afrika halkii ay colaad ku wada noolaan lahaayeen.

Siyaasadda gudaha Itoobiya ayaa se lafteedu ah mid ay colaado badani ka jirto oo aysan is aaminsanayn qoowmiyaadka qobtolka ah ee qaabka khasabka ah hal qaran looga dhigay.

Hadalsame Media