Ciyaaraha Talyaaniga oo Jimcaha dib u bilaabmaya (Juventus-Milan oo bilaabaya & xeer cusub)

0

(Roma) 10 Juun 2020 – Waxaa Jimcaha dib loo bilaabayaa ciyaaraha Talyaaniga, gaar ahaan Coppa Italia, kaasoo ay nus-dhamaadka taagan yihiin AC Milan, Juventus, Inter Milan iyo Napoli, waxaana jimcaha dheelaya labada hore, halka Sabtiga ay ballansan yihiin Napoli vs Inter.

Ciyaarahan oo la wada dheelayo 21:00 xilliga maxalliga ah ee Koonfurta Yurub, ayay Lega Serie A kusoo rogtey xeer cusub, kaasoo khusayn doona dhamaan inta ka harsan fasalkan  2019-20 oo u hakaday Covid-19.

Taasi waxay ka dhigan tahay in labadan kulan – Juventus-Milan iyo Napoli-Inter – iyo dhamaadka aan midna lagu dari doonin waqti dheeri ah, haddii ay lacalla ciyaaruhu barbarro ku dhamaadaan, waxaana la dhigayaa rigoore kala bax ah kaddib 90-ka.

JUVENTUS-MILAN: SAFAFKA LAGA YAABO

Juventus (4-3-3): Buffon; Cuadrado (Danilo), De Ligt, Bonucci, Alex Sandro; Khedira, Bentancur (Pjanic), Matuidi; Douglas Costa, Dybala, Cristiano Ronaldo.

Milan (4-3-2-1): G. Donnarumma; Conti, Kjaer, Romagnoli, Calabria; Kessie, Bennacer, Bonaventura; Paquetà, Calhanoglu, Rebic.

Hadalsame Media