Wararkii ugu dambeeyey dibedbaxyo lagu taageerayo DF Somalia oo ka dhacay meelo ka tirsan Puntland & qaar la baajiyey + Sawirro

0

(Waaciye) 08 Juun 2020 – Kaddib hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu kaga codsaday Golaha wakiillada Soomaaliyeed in ay magaalada Muqdisho maqaam yeelato, ayaa banaanbaxyo lagu taageerayo madaxda sare ee DF lagu qabtay meelo badan oo dalka ah.

Haddaba magaalooyinka ay dibedbaxyadu ka dheceen waxaa ka mid ah magaalada Xidda oo ka tirsan degaanka Waaciye ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeedee Puntland.

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay bannaanbaxa ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka ugu weyn ee ay isugu soo baxeen uu yahay taageerada iyo garab-istaaga qaranka Soomaaliyeed, sida ay yiraahdeen.

Dhanka kale degmada Waaciye oo ah halka looga taliyo magaalada Xidda, ayaa iyadu gebi ahaanba xaalkeedu ka duwanaa, kaddib markii ay dadweyne maanta u balansanaa in ay cabbiraan dareenkooda ay la kulmeen xarig iyo handadaad, sida ay Hadalsame u sheegeen ilo ku dhow halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyey in lagu baajiyey amar ka soo baxay maamulka degmada. Mar wax laga weydiiyey Gudoomiyaha degmada Isxaaq Axmed Xassan sababta keentay in dadweyne si nabad ah dareenkooda u cabirayey khasab lagu kala diro, qaarna xabsiga loo taxaabo ayuu ku jawaabay; ’’Ma Garanayo’’.

Si kastaba ha ahaatee maamulka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u muuqda mid gacan bir ah ku haya xorriyadda hadalka oo ah xuquuq madani ah, iyada oo maanta sidoo kale la sheegay in la joojiyey dibedbax kale oo ka dhici lahaa magaalada Boosaaso.

Waxaa diyaariyey: Dalmar Madar

Hadalsame Media