”Culumo” Masaari ah oo guul wayn oo ay Islaamku gaareen siyaasadeeyey (In Hagia Sophia masjid loo rogo oo ay dhaliileen)

0

(Istanbul) 08 Juun 2020 – Hay’adda culimada ee Dar Al-Iftaa ee dalka Masar ayaa qaaday tillaabo lala yaabay kaddib markii ay ka hor yimaadeen qorshe uu wado MW Recep Erdogan oo doonaya in uu Hagia Sophia u rogo masjid lagu cibaadaysto, iyaga oo furashadii Muslimiinta ee Qonsdandiiniyah (Constantinople) oo ah magaalada Istanbul ee maanta ku sheegay “meel ay Cusmaaniyiintu xoog ku qabsadeen”.

War kasoo baxay Global Fatwa Index (GFI), oo ay maamusho Dar Al-Iftaa, ayaa Erdogan ku eedeeysay inuu diinta u adeegsanayo sidii ”hub uu ku gaaro yoolal siyaasadeed”, gudaha iyo dibedaba.

”Arrinta ku saabsan in Hagia Sophia masjid loo bedelo waxaa la keenay sanado badan kahor, balse waa qalab iyo dacaayad loo adeegsado in dadka codad looga helo, gaar ahaan dadka ahlu diinka ah.” ayay tiri GFI oo aan la fahamsanayn waxa ay dooddan oo idil uga dan leedahay.

Lama yaqaanno sababta ay GFI u siyaasadaynayo ama u qaramaynayso guul ay Muslimiintu gaareen, xilli aanu jirin wax dal gaar ihi uu kaligii sameeyey iyo waddaniyad dal ku dhisan.

Hagia Sophia ayaa waxaa ay ahayd kaniisad wayn oo la dhisay cadigii Boqortooyadii Byzantine ama Roman-kii Bari sanaddii 537 Nabi Ciise CS kaddib, iyada oo kaniisad ahayd muddo 916  oo sanadood ah ilaa ay Muslimiintu furteen 1453, iyaga oo masjid u rogey.

Yeelkeede, 1934-kii ayaa Hagia Sophia loo bedeley meel matxaf ah kaddib markii wareegto kasoo baxday Jamhuuriyadda Turkiga casriga ah sidaa lagu faray.

Hadalsame Media