DAAWO: Dhakhtarad Muslim ah oo madoow oo si ARXAN DARRO ah ugu dhimatay gacanta Booliiska Maraykanka

0

(Hadalsame) 08 Juun 2020Sheekada naxdinta leh ee Dr Jameela Arshad

Dr Jameela Arshad, waxay ahayd dhakhtarad Afrikaan Maraykan ah oo baratay cilmiga qalliinka maskaxda, waxayna aragtay wiil dhulka yaalla kaddib markii uu gaari ku dhacay isaga oo baaskiil wata, iyadoo isku dayday inay caawiso.

Nin ayaa kusoo baxay nin waydiiyey waxa ay wiilka ku samaynayso iyada saaraysa mashiinka wadnaha lagu kiciyo (CPR), waxayna u sheegtay inay kusoo baxday oo ay caawinayso.

Yeelkeede, wuxuu ugu wacay booliiska isaga oo u sheegay inuu ”arkayo naag madoow oo sheeganaysa inay tahay DHAKHTARAD, balse aanu isagu rumaysan karin”, sida uu sheegay Sh. Cumar Sulaymaan oo u ololeeya in ay cadaalad helaan dad ay iyadu ka mid tahay.

Deeto waxaa yimid nin ka tirsan Booliiskii oo ordaya wuxuuna xooggiisa oo dhan ku dibriyey Jameela oo uu markiiba dhulka marshabiyeediga ku malaasay, isaga oo aan xitaa waxba waydiinin ama aqoonsigeeda eegin, xilli ay isku dayayso inay wax u sharraxdo.

Waxaa iyada oo ay jugtii wax u dhibtay, arrintana qaadan la’ oo ay culays niyadeed ku tahay ayaa waxaa iyada oo jeebaysan oo jugo qabta lagu xirey kuraasta dambe xilli ay sakaraadayso oo albaabka darbo la dhacayso, iyada oo u baahan in isbitaal la geeyo oo jaraynaysa, waxaana markiiba istaagey wadnaha, waloow uu isbitaalku 5 daqiiqo u jirey.

Nin jidka maraya ayaa arkay Jameela oo afka abur kasii daynaysa, wuxuuna u sheegay askarigii meesha ku xirey, wuxuuna ku jawaabey ”inuusan fure haynin oo uu wacayo askari kale”, taasoo iyaduna qaadatay 10 daqiiqo oo kale oo Jameela badbaadin kari lahayd, halkii ayayna ku xijaabatey Dr Jameela.

Halkan hoose ka daawo…

Arrintan ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay midab-takoorka ka jira dalkaasi Maraykanka, gaar ahaan midka agaasiman ee ay ku kacaan hay’aadka dowladdu, iyada oo ay sheekadan ka muuqato wax kasta oo ka khaldan nidaamkaas.

Hadalsame Media