DAAWO: Ivanka Trump oo JAC lagu dhejiyey! (Arrin lagu maadsanayo oo ay samaysay)

0

(Washington, DC) 08 Juun 2020 – Gabadha MW Maraykanka, Ivanka Trump, ayaa looga jeexjeexayaa baraha bulshada kaddib markii ay Youtube soo dhigtay khudbad ay ka jeedin lahayd xaflad qalin jebin ah, tiiyoo ay jirto in liiska laga saaray.

Gabadha 1-aad ee Donald Trump ayaa lagu wadey inay ka khudbayso Jaamacad-goboleedka Wichita State University-Tech, oo ah jaamacad lagu barto tiknolojiyadda oo ku taalla magaalada Wichita, Kansas.

Yeelkeede, maalmo yar kahor ayay jaamacaddu kansashay ka qaybgalka Ivanka, kaddib markii aabeheed lagu dhaliilay sida uu ula dhaqmay dibedbaxyada ruxaya Maraykanka ee ka dhashay dilkii George Floyd ee Minneapolis.

Ha yeeshee, xaaska Jared Kushner ayaa howsheeda iska sii wadatay iyadoo ku dhaqaaqday arrin la yaab leh kaddib markii ay YouTube soo dhigtay khudbaddii ay ugu tala gashay munaasabadda oo ilaa 10 daqiiqo ahayd.

Dadkii muuqaalka daawaday ayaa ku tilmaamay mid marka laga soo tago inuusan micne samaynayn maadaama aysan xafladda tegin oo aan cidna waydiisan inay soo duubto aanay misna lahayn cusbo iyo maraq digaag, isla markaana ay ka maqan yihiin hannaan iyo xoog, balse ay iyadu shaksiyan isku iib geeynayso uun.

Hadalsame Media