Goorma ayaa la dhamaystirayaa howlaha ballaarinta ah ee Dekedda Berbera? + Sawirro

0

(Berbera) 08 Juun 2020 – Shirkadda DP World ee ay leedahay Dowladda Imaaraadka ayaa soo bandhigtay muuqaalka sawirrada dhismaha ay ka waddo Dekedda Berbera.

Waxay sheegtay inay horumar ka samaysay mashruuca ballaarinta Dekedda Berbera oo lagu daray khoor ay maraakiibtu kusoo xirtaan oo 400 oo mitir ah.

Waxaa kale oo ilaa 250,000 oo mitir oo jiibaaran lagu daray barxadda dekedda oo ay sheegtay in ujeeddooyin badan loo adeegsan kari doono.

Waxaa iminka la sheegayaa in howsha ballaarinta Dekedda Berbera lasoo abyi doono sanadka soo aaddan ee 2021, sida uu sheegay MW Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa sidoo kale la furay qayb ka tirsan Jidka Berbera Corridor oo isku xiraya Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo uu ujeedkiisu yahay inay marto badeecada ay Itoobiya kala soo degeyso Dekedda Berbera, waxaana lacagta bixinaya Imaaraadka Carabta oo laakiin doonaya inuu gacanta ku hayo Dekedda.

Hadalsame Media