Sweden oo Yurub ka noqotay DUKE CAMBAAR leh (Jir-xumo ay kala kulmayso dalalka Yurub)

0

(Berlin) 08 Juun 2020 – Madaxa Waaxda Daryeelka Caafimaadka Dadwaynaha, Robert Koch, ayaa Jimcihii Sweden ku tilmaamay ”goob aad u halis ah”, marka ay timaado faafitaanka corona virus.

Iminka Gobolka Jarmanka ah ee Lower Saxony ayaa albaabada ka xirtey dadka Swedes-ka, iyada oo ay ku dayan doonaan gobollada kale, marka ay qorshe karaantiil ah isla meel dhigaan iyaga iyo DF Jarmanka.

Sweden 50 kiis ayaa todobaadkiiba kusoo aadaysa 100,000 oo qof, waana dalka qura ee Yurub ah ee ay taasi ka jirto, halka Jarmanka ay 10,000 kusoo hagaagayaan 2.5 kiis oo qura, sida uu qorayo Frankfurter Rundschau.

Dadka Swedish-ka ah ayaa sidaa darteed ay adkaan doontaa inay tagaan dalalka kale ee Yurub, maadaama ay inta badan Jarmanka u maraan marka ay u socdaan dalalka kale.

Wasiirka Caafimaadka ee Maamul-goboleedka Lower Saxony, ayaa ku dhawaaqay in qof kasta oo Sweden ka yimaada uu ku khasbanaan doono 14-maalmood oo karaantiil ah, iyaga oo aan dukaamaysi u bixi karin ama aan dibedda socon karin.

Haddii ficil loo rogo waxay ka dhigan tahay in dadka Swedish-ka ah laga joojiyey inay Jarmanka tagaan, waayo ma jiro qof dal kale u aadaya inuu 14-maalmood xabsi guri ahaado, iyadoo ay dhici karto inuuba waqti mudadaa ka yar joogi lahaa.

Arrinta ayaa dhinac kale leh, waxay ka dhigan tahay in qof ka socda Holland, Jarmanka, Faransiiska, Belgium, Denmark, Norway iwm uusan dalxiis u iman doonin Sweden, ugu yaraan xagaagan, handaraab la’aanta Sweden dartii.

Tusaale, beri dhowayd waxaa xuduudaha isu furay Norway iyo Denmark, balse waa diideen inay furaan dhanka Sweden.

Arrintan ayaa Sweden, oo ah dalka qura ee aan caalamka oo idil handaraabnayn waxay ka dhigaysaa duke cambaar leh.

 

Hadalsame Media