DAAWO: Maalintii FIRIMBIGU ku fiijiyey MW Kenya (Maxaa lagu falay 8 xildhibaan oo foowdadaa sameeyey?)

0

(Nairobi) 07 Juun 2020 – Waxay ahayd dabayaaqadii bishii Maarso ee 2016-kii goortii firimbi iyo foowdu loo rakibay MW Kenya ee Ahuru Kenyatta oo khudbad u jeedinayey qaranka isaga oo jooga Baarlamanka.

8 xildhibaan oo ka wada tirsan xisbiyada mucaaradka, ayaa bilaabay inay fiijiyaan iyaga oo firimbi adeegsanaya markasta oo uu Madaxwaynuhu hadal holliyo, balse nidaamiyeyaasha Baarlamanka oo raacaya xeer hoosaadka Baarlamanka ayaa dibedda u saaray gebigood.

Intaa loogama harine waxaa uu Afhayeenka Baarlamanka, Justin Muturi, uu qaswadihii kooxda oo ahaa Xildhibaan Wandayi gebi ahaanba laga mamnuucay inuu cag soo dhigo Baarlamanka min bishaa Maarso 2016-kii ilaa Jannaayo 2017-kii, taasoo ah muddo sanad ku dhowaad ah oo aanu wax mushahar iyo gunno ah lahayn.

Arrin tan oo kale ah ayaa shalay ka dhacday Baarlamanka Somalia oo ay u dhamaayeen Labada Aqal, kaddib markii uu firimbi afuufay mid ka mid ah xildhibaannada, kaasoo ay taageerayeen ilaa 4 xildhibaan oo kale.

Arrintan ayaana ka dhan ah xeer hoosaadka Baarlamanka Somalia, iyada oo lasoo jeediyey in ay khasab tahay in Baarlamanka Somalia uu noqdo meel tusaale loosoo qaato marka ay timaado mas’uuliyadda, xilkasnimada, qiyamka, runta, wadaniyadda iwm, balse aanay taasi iminka muuqanin.

Hadalsame Media