Laba MAANLAAWE oo halis ku ah MAQAAMKA & METELAADDA magaalada Muqdisho

0

(Hadalsame) 07 Juun 2020 – Waxaa muddo lagu muransan yahay laba arrimood oo labaduba xal leeyihiin haddii la yahay umad xal doon ah oo doonaysa in horay loo socdo; Maqaamka & metelaadda Muqdisho.

Muqdisho oo ka tirsan Gobolka Banaadir, waa gobolka qura ee bixiya canshuurta ay ku shaqeeyso DF Somalia oo muddo 14 sano kusii dhow iminka Muqdisho fadhida, balse aan weli hal shilin ka qaadin meel ka baxan Muqdisho.

Ujeedkaygu ma aha inaan canshuurtaa iyo arrimahaa ka hadlo, taa waxaan u daysanayaa maalin kale oo mudan, balse midda aan doonayo inaan qalinka dul saaro waa in magaalada qura ee bixisa canshuurta DF ay tahay midda qura ee aan weli metelaad iyo maqaam cad lahayn, tiiyoo ay tahay magaalada ugu dad badan Somalia.

Sidoo kale ma doonayo inaan ka hadlo dookhyada jira ee lagu wajihi karo arrintaasi, balse waxaan doonayaa inaan isla aragno 2 MAANLAAWE oo caqabad iyo turaanturro ku wada labadaa arrimood:

1 – MAANWAALAHA KOOWAAD

Wuxuu aaminsan yahay inay Muqdisho tahay gobol uu qabiil kale leeyahay, wuxuuna ula xafiiltamayaa sidii xaafad reer hebel, uma arko inay tahay magaalo caasimad u ah dalka oo dhan, uu tegi karo, ku noolaan karo, ka shaqaysan karo, degi karo, xitaa meteli karo (marka dabcan la caddeeyo waqtiga uu qofku xaq u yeelan karo inuu degaan ahaan ku meteli karo Muqdisho sida inuu deganaado 3 – 5 sano kahor inta uusan isa soo sharrixin).

Maanwaalahani wuxuu kaloo doonayaa inuu gobolkiisa isagu gadaal marsado oo aysan umadda kale ka hadlin, xil ka qaban, metelin, balse dunida kama jirto duni hal caasimad uun isla leh. Federaalka Maraykanka oo ah midka dunida ugu wayn, qofkii Texas ka tagaa wuxuu xukumi karaa New York.

Kani ma qabo inay taasi iman doonto xitaa haddii aysan maanta dhicin, balse wuxuu u haystaa in kursigaasi aadayo reer hebel, ha yeeshee, isma waydiiyo in ay meesha malaayiin deggan tahay oo ay khasab tahay inay metelaad helaan, waana malaayiin uu laftiidu berri ka mid noqon karo.

Waxaad arkaysaa gobollada qaar oo markii ay arkaan dal wax ka qabanaya caasimadda afka furanaya iyaga oo farriimo eed iyo xag-xagasho ah u qora dalkaasi iyaga oo ku doodaya inuu qabiil wax siiyey, waana arrin runtii waalli ah. Waxaan xog ogaal u yahay farriimo badan oo gaarey dalka Turkiga, taasoo keentay inaan ilaa hadda la dhisin 10,000 oo guri, waxay tani keentay inay dunidu ku jahawareerto nacasnimada aadka u fogaatey ee qabyaallada Soomaalida.

”Waa maxay qof caasimaddiisii dacwaynaya ama dood ka qaba wax loo qabtay xaruntii dalkiisa?!” ayaa usoo daadegeysa dalalka Somalia la macaamila, gaar ahaan marka aad ogtahay in Muqdisho tahay magaalada uu ka dhacay burburka ugu badan, maadaama ay ballaaran tahayna ay u baahan tahay mashaariic ka badan kuwa gobollada.

Arrintaasi waxay koow ka mid tahay caqabaadka haysta maqaam helista Muqdisho.

2 – MAANLAAWAHA LABAAD

Wuxuu doonayaa inay Muqdisho noqoto caasimaddii dalka taasoo ka dhigan inay tahay xaruntii kulminaysey umadda Soomaaliyeed, waxaa dheer inay tahay magaalo oo ay tahay inay u dhaqanto sidii magaalo, balse waxaad arkaysaa isaga oo ku doodaya inay ”reer hebel iska leeyihiin”, haddii ay reer hebel yeeshaan, sidee dadka ugu sheegaysaa inay tahay caasimad umadeed?

Waxaa kasii daran, marka uu reer gaar ihi sheegto, misna reerkii gaarka ahaa ayaa sii kala sheeganaya, deetana isla kii ugu dambeeyey ayaa sii kala sheeganaya, taasi waxay keenaysaa in maadaama aanay jirin wax heshiis ay ku yihiin dadka deggan Muqdisho waxay keenaysaa in doodda dhan la xabaal nololiyo oo yaraanta lagu aaso.

Waayo markii la sheegto ee misna lasii kala sheegto, reer kaligii sheeganaya inuu leeyahay caasimad umadeed ma aha dood bisil oo ay cidina iibsanayso, waxaa meeshaa ka maqan xisaabtan yar oo ah, in haddii aad aaminsan tahay inuu reerkaagu caasimadda u badan yahay, aanad u baahnayn inaad carrabka ku adkayso sheeko reeraysan, balse aad waxaaga si dimoqraadi ah oo nabdoon ku raadsato, taasoo ah cod iyo doorasho. Maxaaba keenaya inaad is dhibto.

Waxaa kale oo muhim ah in marka taasi kuu qurqursanto oo aad iska dhaadhiciso inay meeshu caasimad umadeed tahay, haddii xitaa maxalli ahaan loo xisaabtamana ay umaddaasi xaq ku wada yeelanayso ugu yaraan heer qaran ama heer degaan haddii uu qofku magaalada deggan yahay, waxaa waajib ah in lala yimaado DOOD MAGAALO oo ka tarjumaysa ra’yi si wanaagsan loo kariyey oo ay aqbalsan yihiin dadka degaanku, iyaga laftooduna ay dareensan yihiin in qaddiyaddaa lagu meteley.

Yaa qofna ka akhrisanaya waxaan raadinayaa xaqii, maqaamkii iyo metelaaddii caasimadda anigaana qaadanaya oo waxba laga waydiin maayo qofkii ku noolaa? Taasi ma aha dhaqan iyo dood caasimadeed sax?

Haddii aan soo xooriyo, waxaa caasimadda caqabado isla eg ku haya labadaa MAANLAAWE, si ay meesha uga baxdo doodda micne la’aanta ah ee ay labadoodu wadaanna waa inay labaduba fahmaan waxa iyaga ka maqan ee ay u baahan yihiin inay fahmaan marka soo socota oo ay ka falcelinayaan maqaamka iyo metelaadda Muqdisho, taasoo ah in Muqdisho tahay magaalo ay wada leeyihiin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media