Sacdiyo Salaad oo bannaanka soo dhigtay KHALAD wayn oo ay galeen madaxda ugu sarreeysa DF & mid ay iyadu ku jirto (Akhri sababta oo saafan)

0

(Hadalsame) 07 Juun 2020 – INUU GURBAAN COLAADEED GARAACO XILDHIBAAN QARAN MUXUU SHARCIGU KA QABAA?

“Waxaan u soo jeedinayaa baaq reer Muqdisho inay kacaan oo la dagaalamaan dowladda,” ayay tiri Sacdiya Salaad oo sheeganaysa Xildhibaan Qaran, balse si cad ugu dhawaaqaysa kicin dadwayne iyo foowdo abuurid.

Waxaa nasiib darro ku ah dalka Soomaaliya in xildhibaan Qaran uu ku baaqo dagaal iyo deganaasho la’aan, tasoo wax yeeli karta nabada guud ee dalka, baaqaan oo kale wuxuu sababi karaa inuu dalka galo dagaal iyo burbur hor leh, taasoo ayku ku naf-waayi karaan dad badan oo Soomaaliyeed oo hor seedi karto deganaasho la’aan iyo burbur hanti.

Waxaa sidan oo kale foowdo u ahaan jirtey Xukuumadda iyada oo la arki jirey in uu Wasiir kasta wixii uu doono iska qori jirey ama iska dhihi jirey, balse waxaa arrintaas wax badan ka qabatay Xukuumadda Khayrre, laakiin weli waxaa qasan Baarlamanka oo aan nidaam lahayn, waxaan sidoo kale gebi ahaanba jirin ama aan dhamaystirnayn hannaankii garsoorka dalka.

Hadaba muxuu sharcigu ka qabaa arinkaan?

1 – Xildhibaan ka tirsan Golaha Sharci Dejinta dalka, marnaba kuma baaqi karo dagaal, taasi waa mid lagu wayn karo xubinimadda golaha sharci dejinta dalka Soomaaliya.

2 – Haduu dhib dhaco ama dhiig daato ku daayo baaqa xildhibaanka, wuxuu ku mudan karaa ciqaab sharci ilaa 40 sano xarig ah.

3 – Xildhibaanada marka ay leedahay Xamar kaliya ha gubato ayadoo ka reebtay dalka intiisa kale, maamulka Gobolka Mugdishu wuxuu xaq sharci u leeyahay inuu maxkamad la tiigsado xildhibaanada dhibka ay ugu baaqday degaanka iyo dadka ay masuulka ka yihiin.

4 – Hoggaanka Booliiska dalku wuxuu xaq u leeyahay inuu codsado in laga qaado xasaanadda (Immunity) si Maxkamad loo geeyo ama loo xiro.

Haddii arrinkaan loo cuskado sida uu sharcigu yahay, waxay noqoneysaa mid wax laga barto oo aan mar dambe la arag mustaqbalka xildhibaan Qaran oo meel fagaaro ah dagaal ugu baaqo shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba yaa leh KHALADKAAN?

Xukuumada ay hogaamiyaan Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayrre oo ka gaabiyay inay dhisaan Maxkamadii Dastuuriga oo arrimahaan oo kale shaqo ku lahayd, waana sababta uu maanta meel fagaaro xildhibaanada ay ugu baaqdo dagaal iyo burbur waayo Maxkamadii dambiga ku qaadi lahayd lama dhisin.

Sidoo kale waxaa arinkaan ka masuul ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal iyo guddi-hoosaadkiisa anshaxa golaha, waayo sharci ma siinayo in xubin ka mid ah Golaha Sharci-dejintu uu sidaasi u hadlo ama u dhaqmo, taasoo dalka u horseedi karta dagaal iyo foowdo, halka uu aduunka oo dhami ku mashquulsan yahay nabadda dalka Soomaaliya.

Hadii aysan arrinkaan tallaabo sharci ka qaadin waxaa noo cad in Xukuumadda iyo Hoggaanka Baarlamaankuba ay ku fashilmeen shaqaddii loo igmaday oo ah xoojinta ku dhaqanka sharciga dalka.

Xildhibaan ma sii ahaan karto hadii sharciga la raacaayo.

Wa bilaahi towfiiq.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A. Qaasim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media