DAAWO: Calooshood u shaqaystayaal Ruush ah oo arrin yaqyaqsi leh kula kacay MASJID ku yaalla dalka Libya

0

(Tripoli) 07 Juun 2020 – Calooshood u shaqaystayaasha Ruushka ee ka dagaallamaya dalka Libya ayaa ku kacay arrin yaqyaqsi leh oo qadaasad-tir ah, taasoo ka dhan ah masjid ku yaalla dalkaasi.

Kooxdan Ruushanka ah oo loo yaqaan Wagner Group ayaa gebi ahaanba dab qabadsiiyey masjid la yiraahdo Niffati Mosque oo ku yaalla xaafadda Ein Zara, oo ku taalla koonfurta caasimadda Tripoli oo iminka gebi ahaanba laga xoreeyey.

Waxaa kasii daran in inta aanay dabka qabadsiinin masjidka ay gudihiisa kula falaadeen erayo Islaam nacayb ah, tiiyoo ay u dagaallamayaan nin sheeganaya inuu Muslim yahay, iyada oo ay lacagtooda inta badan bixiyaan dalalka Imaaraadka iyo Sucuudigu.

“Masaajid badan ayaan ku arkaa ciidda Ruushka, balse waxaa wanaagsan in naarta lagu arko”. ayaa ka mid ah qoraallada loogu tegey gudaha masjidkan guban.

Hadalsame Media