Muuse Biixi oo loo bandhigay inuu noqdo Madaxwaynaha Somalia oo midaysan (Muxuu kaga jawaabey?)

0

(Hargaysa) 07 Juun 2020 – MW Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi ayaa waraysi uu siinayey idaacadda VOA laanteeda af Soomaaliga wuxuu kaga hadlay arrimo fara badan.

Mar wax laga waydiiyey sida uu u arko wada hadallada DF Somalia & maamulka Somaliland, wuxuu sheegay in aanu diidanayn in la wada hadlo, balse uu eelkuba ka haysto dhanka Muqdisho.

“Waxaannu caqabadda ugu wayn kala kulmaynaa dowladda Muqdisho, oo aqoonsigeeda caalamiga ah u adeegsata la ”dagaallanka Somaliland”,” ayuu yiri Biixi.

Muuse Biixi ayaa la waydiiyey haddii isaga laga dhigo MW Somalia ama caasimadda la siiyo Hargaysa wixii xumaan ah oo dhacayna la iskaga garaabo inuu isagu casuumaddaa aqbali lahaa?

”Horta Madaxwayne aan isa siinno, wax ku heshiinno ama walaalnimo abuurno, balse inta aynaan halkaa tegin horta yaa wada hadlaya ama is haysta?” ayuu yiri Biixi oo su’aashii tu kale uga jawaabaya, waloow aanu diidmo qayaxan kala hor iman.

”Waxaannu qoladaa Somalia uga baahan nahay inay dhegeystaan inay dowladdii Somaliland ee 60-kii walaalnimada ugu timid iyo Somalia inay laba dowladood oo kala gaar ah ahaayeen. Haddaan taaba la hayn, muxuu yahay Madaxwaynaha aad ii sheegaysaa?” ayuu daba dhigay.

Biixi ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay Somalia aqoonsato halkii lakala joogey 1960-kii.

SIXITAAN: Marka caadiyan taariikhda dib loogu laabto ma jirin Somalia iyo Somaliland, balse waxaa jirey laba gobol (British and Italian Somaliland) oo ay laba dal kala xukumayeen, kuwaasoo intii aanay xorriyadda qaadan isku raacay inay xornimada mar qura wada qaataan iyaga oo gobollo ah kaddibna ay isku noqdaan Jamhuuriyadda Soomaalida, sidaa darteed, ma jiraan laba dal oo 60-kii jirey.

Hadalsame Media