Saxaafadda Jarmanka oo wax ka qoreeysa nin Soomaali ah oo ”gabar ku cunay” dalkaasi (Sidee wax u dheceen?)

0

(Mühlacker) 07 Juun 2020 – Nin 16-jir ah ayaa lagu qabtay magaalada Mühlacker Jimcihii kaddib markii uu dhaawac culus gaarsiiyey haweenay 23-jir ah oo laga soo gaarey iyada oo dhulka taalla oo uu dhiig ka hibitiqlaynayo.

Gabadha oo markiiba isbitaalka loola cararay ayaa waxaa wejiga uga yaalley qaniinyooyin waawayn oo qoto dheer, saacaddu markii ay ahayd 2.40 a.m., iyada oo ay ay dad qaylada saa’idka ah ee haweenayda maqlay ay u yeereen booliiska.

In yar kaddib waxaa meesha loo diray booliis roondo ku jira, iyaga oo markiiba tegey dhismaha ay wax ka dheceen oo ku yaalla Bahnhofstrasse oo ah guryo ay deggan yihiin qaxootiga ku nool magaalada Mühlacker.

Booliiska ayaa jebiyey guriga uu ninka Soomaaliga ihi ku qanqaniinayey gabadha oo uu garaacayey xilligii loo tegayey, iyada oo dhulka taalla oo dhiig ku dhex jirta.

Wiilkan 16-jirka ah ayaa la sheegay inuu gabadha oo xaas la qabo ah waydiistey arrimo jinsi ah sida galmo, balse uu weerar ku qaaday isaga oo camanka ka cunay isla markaana si xun u garaacay markii ay ka diiddey, isaga oo weliba gurigeeda ugu tegey.

Haweenayda ayaa markii isbitaalka loo qaaday waxaa wiilkii loo kexeeyey Maxkamadda Degmada Pforzheim, taasoo u jartay barwo xiritaan ah, iyadoo la xirey, isla markaana dembi baaris lagu bilaabay.

Waxyaabaha la baarayo waxaa ka mid ah in wiilkan falkan gurracan ku kacay uu daroogo ama khamri isticmaalay, dib u raaca sooyaalka xiriirkooda, iyo waxa keenay dagaalka heerkaa gaarsiisan, waloow uu iminka diiddan yahay inuu hadlo, halka ay gabadha ku adag tahay inay maxkamad ka marqaati furto oo la dawaynayo.

Hadalsame Media