Jeneraal Khaliifa Xaftar oo laga xorreeyey magaaladii ugu dambeeysey ee galbeedka Libya + Sawirro

0

(Tarhuna) 05 Juun 2020 – Ciidamada GNA ayaa gacanta ku dhigay magaalada Tahuna City, oo ahayd meeshii ugu dambeeysey ee uu ku xoogganaa oo ah Galbeedka Libya, sida uu sheegay afhayeenka Mohammed Gununu.

Ciidamada GNA oo afarta jiho uga daatay maanta oo Jimce ah ayay is fara saareen malliishiyaadka arxanka daran ee Kaniyat. Waxaana dagaal muddo saacad ah socdey kaddib malliishiyaadka Xaftar oo u baxsaday dhanka Bani Walid.

In yar kaddib markii Xaftar iyo xulufadiisa Tarhuna laga xoreeyey, Ciidamada Libya ee GNA ayaa galay magaalada Al Curbaan oo 80 km galbeedka kaga beegan caasimadda Tripoli.

Ciidamada GNA ayaa ka digey wax aar gudasho, bililiqo ama kharribaad ah, waxayna sheegeen in ciqaab xun la marinayo ciddii lagu helo.

Golaha Madaxwaynaha Libya ayaa durba maamul Khamiistii u sii magacaabay magaalada Tarhuna, iyagoo sheegay in hadaf horaadkoodu yahay inay gacanta ku wada dhigaan Libya oo dhan, iyadoo uu Xaftar haysto inta badan bariga Libya, sida caasimadda 2-aad ee Benghazi.

Hadalsame Media