Kooxda Al Shabaab oo OLOLE nooc cusub ah ka bilowday Somalia + Sawiro

0

(Jilib) 05 Juun 2020 – Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay meelo ka tirsan dhulalka ay xukunto ay horraanba ka bilowday hirgelinta olole Carabiyayn ah oo ay ku dirqinayaan dadka Soomaaliyeed.

Ololahan oo bilo ka hor la ambaqaaday ayaa waxaa durba kasoo baxday ”dufcaddii 1-aad ee ugu horeysay ee ka aflaxda luuqadda Carabiga, sida ay sheegtay Al Shabaab.

Iskuulka ay ardaydani ka qalin jebiyeen ayaa ku yaalla Degmada Jilib oo ahaan jirtey magaalada ugu ballaaran Gobolka Jubbada Dhexe, taasoo iminka lagu sheego xarun beenaadka ugu wayn Al-Shabaab, waxaana iskuulkaasi lagu magacaabaa Machadka Al Xikmah.

Munaasabaddii qalin jebinta oo ay soo xaadireen dadwaynihii qalin jebiyey iyo madax ka tirsan kooxda Shabaabka, aya waxaa lagu sheegay in ujeedka ololahani yahay sidii dadka Soomaaliyeed loogu sahli lahaa barashada daraasaadka Diinta Islaamka.

Yeelkeede, sida ka muuqata qoraalka halku dhegga ah waxaa ku cad inuu ololahani yahay ”Carabiyayn”, balse kuma xusna ”Ololaha Diin barista Umadda”, iyadoo ay Diinta Islaamka ku caddahay in lakala yahay umado kala luuqad ah, sidaa darteedna, aanu jirin isir ka wanaagsan midka kale ama mid ku khasban inuu kiisa ka tago oo uu mid kale noqdo, si uu ALLE ugu dhowaado.

Hadalsame Media