Turkiga oo si rasmi ah u bilaabay 4 MARKAB DAGAAL oo uu u dhisayo Pakistan + Sawirro

0

(Istanbul) 05 Juun 2020 – Waxaa la qabtay munaasabad lagu bilaabayo dhismaha 4 markab oo ah nooca corvette-ka ah ee dabaqadda Ada-class oo ay Turkigu u dhisayaan Ciidamada Badda Pakistan, ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul, sida kasoo baxday garabka warfaafinta ee Ciidanka Badda Pakistan.

Xafladdan oo lagu qabtay khoorka maraakiibta lagu dhiso ee Istanbul Naval Shipyard (INSY) ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil sare oo ka kala socda labada dal, kuwaasoo uu ku jiro taliyaha Ciidamada Badda Pakistan ee dibedda, Commodore Syed Rizwan Khalid.

Bishii Maajo ee 2017-kii, sharikaad sameeya agabka ciidamada oo Turkish iyo Pakistani ah ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in afar markab oo MILGEM corvette ah loo dhiso Pakistan, kuwaasoo laba lagu sameeynayo Istanbul, labada kalena Karachi Shipyard.

Labada iminka dhismohooda la bilaabay waxay howlgeli doonaan 2023-ka, halka labada xigta ee gudaha Pakistan lagu dhisayo ay shaqayn doonaan 2024-ka.

Labada dal ayaa ku heshiiyey in ay tiknolojiyadda wadaagaan, iyada oo uu Turkigu xogta farsamo ee maraakiibtan uu u gudbinayo Pakistan.

Maraakiibtan oo ay dhisayso hay’adda Turkiga ah ee ASFAT, ayaa dherer la’eg 99 mitir, iyaga oo bara bixin kara 24,000 oo tan, isla markaana ku socon kara xawaare dhan 29 nootikaal mayl (nautical mile).

Turkey oo ka mid ah 10-ka dal ee caalamka oo idil awood u leh inay dhisaan markab dagaal, iyaga oo adeegsanaya xog farsamo oo maxalli ah 100%, ayaa sidoo kale mashaariic kale oo lagu casriyaynayo Ciidanka Badda Pakistan dalkaa ka wada.

Waxaa ka mid ah mid ay waddo hay’adda Farsamada iyo Injineeriyadda Ciidamada ee STM, kuwaasoo hay’adda Faransiiska ah ee DCNS uga guulaystey casriyaynta, naqshadaynta iyo samaynta gujisyo ay Pakistan leedahay.

STM ayaa sidoo kale naqshadaysay markab saliidda qaada oo uu dhererkiisu la egyahay 158-mitir oo la yiraahdo PNFT, kaasoo lagu dhisay khoorka Karachi Shipyard isla markaana howlgalay 2018-kii.

Hadalsame Media