”Haddiiba ay Somalia samayn karto, waan samayn karnaa!” – Saxaafadda Zimbabwe oo Somalia ka qortay masayr laba siyood loo fasiran karo! + Sawirro

0

(Harare) 05 Juun 2020 – Saxaafadda Zimbabwe, gaar ahaan The Herald ayaa maqaal dheer oo ay ka qortay dayactirka Gegada caalamiga ah ee Istaadiyo Muqdisho, waxay ku faallaysay war qofkii doonaa uu liiditaan u qaadan karo, kii doonaana uu u fahmi karo inay Somalia soo kabanayso oo lagu dayan karo.

Cinwaanka sheekadu wuxuu yahay, ”haddii ay Somalia samaysay, annaguna waan samayn karnaa run ahaan!”.

Wuxuu intaa raaciyey in garoonkan oo ay ciyaar caalami ah oo uu marti geliyo ay ugu dambaysey 1988-kii oo kulan isbreebreeb ahaa oo Olombikada adduunka ah lagu dheeley uu haatan sharaftiisii lasoo noqday.

Waxaa maqaalka lagu qoray warar badan oo aan sax ahayn sida inuu Shiinuhu – dalkii dhisay garoonkan 1978-kii – uu garoonka dayactirayo iyo in ay horay FIFA u dayactirtay balse uu sidiisii ku noqday.

Waxay qoreen in Garoonkan oo lagu wado in lagu dhigo xafladaha maalinta qaranka ee 1-da Luulyo uu qaadi karo 35,000 oo qof, kaasoo ay dayactirkiisa dhanka cows dhigista ay qandaraas ku qabto Domo Sports Grass, taasoo hoos tagta Domo Duraforce XT, oo shahaado ka sidata FIFA Quality Pro system, oo qandaraaskeeda cows dhigista la aqbalay Oktoobar 2019-kii, iyada oo dhismaha la bilaabay 23-kii Jannaayo, lana dhameeyey 10-kii Abriil isla 2020-ka, kaasoo lagu maalgeliyey qorshaha FIFA ee “Win in Africa with Africa’’, iyada oo ay gacan ka gaysatey Dowladda Sweden.

Waxa uu deeto qoraalku u dhaadhacayaa dulucdiisa oo ah inay Somalia garoomadeeda u dhisanayso qaab casri ah, halka ay Zimbabwe ku sigatey in ay xulkoodu waayaan meel ay ku ciyaaraan, kaddib markii uu garoonka xulka qaranku uu buuxin waayey shuruudihii CAF iyo FIFA.

Taasoo keentay inay arrintan soo farageliso Wasaaradda Ciyaaraha, Fanka iyo Baashaalka ee dalkaasi, gaar ahaan Wasiirka Kirsty Coventry, oo bishii hore booqday Garoonka ku yaalla caasimadda oo uu haatan ka socdo dayactir iyo casriyayn sii socon doona 12-ka bilood ee soo socda, iyada oo ay ku baxayso $13 Milyan oo doollar.

Waxaa xusid mudan in Xulka Qaranka Somalia uu kulankii lugta 2-aad ay ku dheeleen Garoonka Bulawayo, balse aysan ku ciyaarin Garoonka National Sports Stadium ee Harare oo ah midka la dayactirayo.

Hadalsame Media