Duqa Magaalada Washington DC oo ku dhaqaaqday tillaabo ka dhan ah Donald Trump + Sawirro

0

(Washington, DC) 05 Juun 2020 – Aqalka Cad ee Maraykanka oo ah Madaxtooyada Qaranka Maraykanka ayaa waxay qoorta isugu jiraan dibedbaxayaasha ka dhiidhinaya dilkii George Floyd, waxayna arrintu sii xumaatay markii dadka la gaaseeyey oo laga eryey Lafayette Square, si uu halkaa sawir ugu galo MW Donald Trump oo isaga oo kitaab baybal ah sare u taagaya ag joogsadey kaniisadda St. John’s Church.

Daawo doorka Soomaalida…

Waxaa sidoo kale gidaar 7 cagood ah, qannaasyo wax shiisha iyo ciidamo millateri ah oo hubaysan lagu gedaamey hareeraha jidka 1600 Pennsylvania Avenue, taasoo sii xumaysay niyadda dad si nabdoon uga falcelinayey dulmigii lagu diley George Floyd oo iskugu soo baxay caasimadda.

Waxaa arrintaa aad uga qaylisay Duqa Magaalada Muriel Bowser oo sheegtay in Aqalka Cad laga doonayo ”inuu noqdo meel u furan dadka Maraykanka ah.”

Halkaana kuma harine waxay diyaarisay qorshe magaca dhaqdhaqaaqa ‘Black Lives Matter’ loogu rinjiyeeynayo jidkan taga Aqalka Cad, waxaana uu qoraalku jiidan yahay min jidka 16-aad ilaa midka 35-aad, isagoo qaadanaya laba fidqo oo jidka ah. Jidka ayaa sidoo kale magacaa la oran doonaa.

Ms Bowser ayaa sheegtay in rinjigaas ay ku maamuusayso dadkii ku dibedbaxayey DC ee sida sharci darrada ah loo kala cayriyey fiidnimadii Isniintii, si uu Madaxwaynuhu sawir uu shoow ku dhigayo ugu galo kaniisadda, taas oo ay wehliso adeegsiga millateriga oo haatan jidadka laga qaaday ayaa aad loo cambaareeyey.

Hadalsame Media