DAAWO: Laba askari oo ka tirsan ciidamadii ilaalinayey AQALKA CAD oo ay BIRIQI ku dhacday! + Sawirro

0

(Washington, DC) 05 Juun 2020 – Laba askari oo ka tirsan Ciidamada Kaydka ah ee National Guard ee Gobolka South Carolina ayaa isbitaalka loola orday, kaddib markii uu dhaawac culusi kasoo gaarey biriq ku dhacday, iyagoo ku sugan Lafayette Square.

Askarta ayaa ilaalinayey fagaarahan oo muhim u ah dibedbaxayaasha ka dhiidhinaya dilkii George Floyd kuna yaalla Washington D.C, si aysan usoo gelin aaggaasi.

Waxaa sidii kale la arkayey biriq wayn oo ku dhacaysa taallada Washington Monument, waxaana muuqaal ay qabatay kaamiro kuwa cimilada ah ka muuqata caasimadda Maraykanka oo ay biriqdu sidii roob ugu da’ayso.

Sida uu sheegay hilinka NBC, labada askari biriqdu si toos ah uguma dhicin, balse waxay dareemeen saamaynteeda kaddib markii ay meel agtooda ah qabsatay, xalay xilli dambe.

Sidoo kale dhaawaca gaarey ma aha mid noloshooda halis gelinaya waqti xaadirkan, sida uu sheegay Vito Maggiolo, afhayeenka Birmadka Caafimaadka iyo Dab-damiska ee DC oo la hadlay NBC.

Hadalsame Media