”Dowladdaada kala hadal!” – MW Deni oo WEJI GABAX kala kulmay Bankiga Horumarinta Afrika (Arag sida ay wax u dheceen)

0

(Abidjan) 05 Juun 2020MW Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa jacdii ugu waynayd kala kulmay Bankiga Horumarinta Afrika ee ADB.

MW Deni ayaa warqad codsi ah oo ku saabsan in laga caawiyo daadadkii Qardho wuxuu Baanka u boobsiiyey 7-dii Maajo ee tagtay, balse Bankiga oo aannu helnay warqad jawaab ah oo uu dorraad usoo qoray Deni ayaa waxaa ku qoran dayro iyo isaga oo loo dirayo inuu la xiriiro DF Somalia.

Bankiga ayaa sheegay inuu diiradda saarayo la dagaallanka Ayax ku habsadey 13 dal oo Bariga Afrika ah iyo durayga dilaaga ah ee Covid-19, sidaa darteed ay wixii hanti ah xaggaa u weecinayaan.

”Waxaanse ku xusuusinaynaa in dhamaanba barnaamijyada deg degga ah ee horumarinta aannu marsiinno DF Somalia, sidaa darteed, kala hadal Wasiirrada kala ah Maaliyadda iyo Midka Qorshaynta, si ay kaaga caawiyaan mashaariicda iminka jira.” ayaa lagu yiri MW Deni.

Somalia oo la sheegay inay qaadatay nidaam federaal ah oo aan weli afti shacbi loo qaadin ayaa waxaa dhibaato badani ka haysataa sida loo kala leeyahay shaqooyinka, iyada oo ay kabaha iska dardaraan DF iyo Maamullada dalka qaarkood, waloow ay hadda arrintaasi hoos usii dhacayso.

Hadalsame Media