Kalfadhiga Baarlamanka oo furmaya, arrin dhici waydey & mid loo dheg taagayo!

0

(Muqdisho) 06 Juun 2020 – Waxaa goor dhow lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka furmayo kulanka Baarlamanka oo ay u wada jiraan labada aqal ee kan hoose iyo midka sare.

Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamanka 10-aad ayaa daqiiqaddii ugu dambeeysey laga bedeley bugcaddii markii hore lagu ballamay, taasoo ahayd Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye, lamana carrabaabin sababta sidaa loo yeelay.

Waxaa haatan la sheegayaa in lagu qaban doono rugta KMG ah ee VILLA Hargaysa oo ka tirsan dhismayaasha Madaxtooyada Qaranka, halkaasoo uu iminka ku shaqeeyo Baarlamanka Hoose, maadaama la doonayo in dib loo dhiso dhismaha Golaha Shacabka.

Arrin kale oo tusmayn mudan ayaa ah in ay warar aan weli hubanayn sheegayaan in saxaafadda madaxa bannaan loo diidey inay soo xaadiraan kalfadhiga, balse weli ma jiro war kasoo kordhay dhankaas.

MW Somalia, Md Maxameed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu warramayaa inuu furi doono kal-fadhiga, iyadoo ay Somalia oo dhami u dheg taagayso khudbadda uu halkaa ka jeedin doono gaar ahaan arrimaha doorashada 2021 oo uu horay uga hadlay RW Khayrre, oo noqon karta tiisii ugu dambaysey, haddii aysan wax is bedelin.

Hadalsame Media