Dibedbaxayaal dab qabadsiiyey askari roondo & xaalkiisa (Fadlan ha daawan haddii aanad awoodin)

0

(Guadalajara) 05 Juun 2020 – Askari roondo Booliis ah ayaa isaga oo meel jid ah taagan waxaa dab qabadsiinaya nin iska dhigaya dibedbaxe ka dhiidhinaya arxan darrada Booliiska Mexico.

Arrintan ayaa salka ku haysa nin ku dhintay gacanta Booliiska Guadalajara, caasimadda gobolbeedka ku yaalla ee Jalisco.

Waxaa la arkayey muuqaalka askarta iyo dad rayid ah oo qoorta iskula jira, balse nin uu wejigu u xiran yahay ookiyaalo dugul ahna xiran ayaa askari jidka maraya isagoo mooto ku jooga wuxuu ku daadinayaa dareere dhalo ku jira kaddibna wuxuu ku daaraya dab.

Askariga ayaa markiiba isaga oo xanuun la galgalanaya waxaa u gurmanaya dadwayne iyo askar kale kuwaas oo weliba ka celinaya ninkii oo isku deyaya inuu markale dab qabadsiiyo, kuwaasoo dabkii ka baqtiinaya nasiib wanaag, isagoo cagihiisa goobta uga tegey, sida ku qoran warbixinta.

Ninka dhintay oo la oran jirey Giovanni Lopez, 30-jir, ayay Booliisku waxay dabayaaqadii bishii hore ka qabteen agagaarka Guadalajara.

Yeelkeede, saacado kaddib markii la xirey waxaa loola orday isbitaalka, halkaasoo uu ku dhintay, iyadoo la sheegay in sababta loo xirey ay ahayd isaga oo aan wadanin gafuur-saabka laga xirto Covid-19, waloow ay Booliisku warkaa inkireen. Walaalkii ayaa baraha bulshada ku faafiyey muuqaal ku saabsan markii la xirayey.

Dunida oo dhan baa waxaa iminka ka soconaya dibedbaxyo lagu taageerayo kuwa George Floyd, amaba iskood uga horjeeda arxan darrada Booliiska.

 

Hadalsame Media