”Waan kula kacaynaa!” – Aadan Ducaale oo ay seeftu ku timid & 117 saxiix oo ka dhan ah oo la diyaariyey (Hal laan oo uu ku dheggan yahay)

0

(Nairobi) 04 Juun 2020 – Hoggaanka Aqlabiyadda Aqalka Hoose, Aadan Barre Ducaale ayaa diidey qorshe ay xildhibaanno ku ururinayeen saxiixyo xilka looga qaadayo isaga.

Xildhibaanka reer Gaarisa ayaa shalay cayriyey koox uu hoggaaminayey Kanini Kega isaga oo waydiistey inay ixtiraamaan go’aanka MW Kenyatta ee ah in isaga la dhaafo.

Yeelkeede, waxaa la sheegay inay halkooda kasii amba qaadeen howsha xididda siibka ah, iyagoo markii kaddib isu geeyey 117 saxiix oo ay ku xoojinayaan mooshinka lid Ducaalaha ah.

Aadan Ducaale, oo aysan ilaa iminka la tegin seefta Kenyatta oo galaafatay 16 siyaasi oo isla xisbiga ah ayaan la ogayn inay seegi doonto Ducaale laftiisa.

“Waa ka war qabaa in Kega uu saxiixyo ururinayo si la isoo gole joojiyo, isla markaana uu dhinac maro go’aanka MW Kenyatta iyo hoggaanka Xisbiga Jubilee Party,” ayuu yiri Aadan Ducaale oo farriin caalwaysan oo Kenyatta maqashiis ah diraya.

Ducaale ayaa ku dooday inuu isku daygani fashilmi doono, isaga oo weli isku hallaynaya MW Kenyatta oo uu aad ula shaqeeyey, waloow aan la ogayn inay raggani samayn lahaayeen wax aanu isaga u gows haysan.

Xeerku wuxuu dhigayaa in haddii xilka laga qaadayo Ducaale ay isu yimaadaan inta badan xubnaha xisbiga aqlabiga ah iyada oo uu shir guddoominayo Hoggaanka Xisbigu.

Kega ayaan weli arrintan ka hadlin.

Hadalsame Media