DAAWO: Fanaaniin & jilayaal Carbeed oo sheegay inay taageerayaan dadka MADOW oo laftooda cunsuriyad lagu eedeeyey!

0

(Bayruut) 04 Juun 2020 – Dhowr jilaa iyo fanaaniin Carbeed ayaa dabka loo dhigay kaddib markii ay faafiyeen sawirradooda oo ay madow ka dhigeen, iyaga oo ku doodaya inay hiillo u muujinayaan dadka madow oo ka dibedbaxaya dilkii dad cunnimada ahaa ee George Floyd.

Fanaannadda reer Lubnaan ee heesana qorta, Tania Saleh, ayaa soo bandhigtay sawirkeeda oo ay soo dhigtay Twitter-ka, iyada oo isu qaab ekeeysay gabar madow oo leh timo u qaabaysan nooca Afro, waxayna raacisay kabshan yar oo ay ku sheegayso inay ku taamayso ”inay madow ahaan lahayd”, iyadoo sheegtay inay taageerayso dibedbaxyada ka socda Maraykanka.

Dadka ayaa se ku eedeeyay inay sii quudinayso midab takoorka iyo sinji quursiga isirka ku dhisan ee agaasiman, iyo inaysan u baahnayn inay madow isu ekeeysiiso si ay dadka madow ugu hiilliso. Tani ayaa se ka dhaaratay inay dejiso farriinta ay soo dhigtay.

Lama Elamine, oo ah gabar madow oo Lubnaani ah ayaa gabadhan u sheegtay in haddii ay doonayso inay madow noqoto ay Lubnaan lafteeda ka noqoto, si ay u dareento waxay ay ka dhigan tahay in adiga oo madow ah halkaa lagu noolaado.

Jilaayadda reer Marooko ee Mariam Hussein ayaa sidoo kale soo bandhigtay muuuqaal iyada oo waxyaabo madow is marmarisay, iyadoo Instagram-keeda oo ay raacaan 640,000 soo dhigtay aayad Qur’aan ah oo sheegaysa in aan isir lagu kala il roonayn Alle ka cabsi mooyee.

Tusaale kale, jilaayad kale oo Aljeeriyaan ah oo lagu magacaabo Souhila Ben Lachhab, oo hal milyan ka badan ku leh Instagram, ayaa wejigeeda naash-naash ku madoobaysey si ay ”madowga u taageerto.”

NIDAAMKA KAFAALADA (ADDOONSI)

Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa marka laga soo tago inay gabdhahan Carbeed ay muujinayaan inay cunsuriyad kula dagaallamaan cunsuriyad kale, waxaa misna la xusuusiyey dhibaatada ka taagan dalalkooda sida Kafaalada oo ah addoonsi casri ah.

Lubnaan ayaa sanadkii hore loo jeediyey inay baabi’iyaan hannaanka Kafaalada ay dalkaa uga shaqeeyaan in ka badan 250,000 oo adeegto, kaddib markii uu qof is daldaley, silac haysta dartii.

Hadalsame Media