Xaftar oo laga qabsaday Garoonka Dayuuradaha Tripoli & toban aag oo kale + Sawirro

0

(Tripoli) 03 Juun 2020 – Ciidamada Libya ee GNA ayaa si buuxda ula wareegey Gegada Caalamiga ah ee Tripoli International Airport kaddib markii ay halkaa ka saareen Ciidamada LNA, sida uu sheegay afhayeenka Mohammed Gununu.

Gununu ayaa sheegay inay Garoonka Tripoli International Airport ka qabsadeen Ciidamada Xaftar oo dhufaysyo waawayn halkaa uga jirey kaddib markii kasoo bexeen aagag muhim ahaa sida Qasir Benghashir, Sabea iyo Souq Al-Khamis, iyaga ooo haatanna bilaabay inay banneeyaan Fam Molga, oo ah albaabka galbeed ee magaalada Tarhuna iyo Bani Walid.

Ciidamada GNA ayaa sidoo kale maanta qabsaday Al-Ahyaa Al-Bariya iyo Kazirma, Khallatat, Khalla, iyo Yarmouk Camp, kuwaasoo ay horay gacanta ugu hayeen Ciidamada Xaftar, sida ay sheegayaan ilo ku dhow Howlgalka Foolkaanaha Caraysan.

Ciidamada GNA ayaa haatan usii sikanaya aagagga koonfurta Tripoli oo ay u durkayeen todobaadyadii labada ahaa ee ugu dambeeyey.

Xaftar oo wata malliishiiyaad iskugu jira kuwiisa – calooshood u shaqaystayaal Ruushan ah oo la yiraahdo Wagner Group oo dhowaan halkaa ka cararay, Janjaweed iyo qaar kale, ayaa bilihii dambe u dagaallamayey inay qabsadaan caasimadda Tripoli, balse haatan iyaga ayaa lugta dambe ku taagan.

Hadalsame Media

Facebook Comments