QIIMAHA CADAALADDA BULSHADA: 4 QODOB oo aannu ka baran karno qalalaasaha Maraykanka

0
In this photo taken with a drone, a large group of protesters gather around the statue of Confederate General Robert E. Lee on Monument Avenue near downtown Tuesday, June 2, 2020, in Richmond, Va. The crowd protesting police brutality chanted "Tear it down." (AP Photo/Steve Helber)

(Hadalsame) 04 Juun 2020 – Bismillah, ??????? ??? ??????? ???? ????????????.

Maanta waxaan akhriyey maqaalkan (hoose) ee laga qoray taallooyin ku yaalla gobolka Virginia ee dalka Mareykanka oo la duminayo, sababtoo ah ragga loo dhisay waa kuwa qeyb ka ahaa nidaamkii addoonsiga dadka madow ee Mareykanka ka jiray 264 sano. Qaar kamid ah caddaanka America ayaa dadkaas u arkay (walina u arka) inay halyey ahaayeen. Balse kuwa kale oo madow u badan ayaa u arka astaamo u taagan caddaalad darro, gaboodfal iyo dulmi.

Duminta taallooyinkan waa qeyb kamid ah geeddi socodka dibu heshiisiinta bulshada Mareykanka. Waxaana hadda soo nooleeyay falcelinta ka dhalatay dilkii waxashnimada ahaa ee toddobaadkii hore loo geystay George Floyd.

Dhowr cashar oo muhiim ah ayaa laga baran karaa arrintan:

1. In dibu heshiisiinta bulshada aysan aheyn dhacdo, kulan ama shir mar qura lagu xalliyo utunta ay bulshadu kala tirsaneyso. Dibu heshiisiintu waa geeddi socod leh marxalado kala duwan, ka gun-gaariddiisana waxaa saldhig u ah ka garaabid wixii khaldamay, sixitaanka astaamaha khaladka muuqda (taallooyinka IWM) iyo dibu habeyn joogto ah oo lagu sameeyo habdhaqanka siyaasadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

2. Sannadkii 2008 ayuu baalamaanka Mareykanka si rasmi ah raalli galin uga bixiyey nidaamkii addoonsiga ee ka jiray Mareykanka, balse taasi macnaheedu ma noqon in si dhab ah looga heshiiyey isir-sooca baahsan ee wali ka jira dalkaas, raalli galinta baarlamaankuna dawo uma noqon tabashada dadka madowga ah, balse waxay aheyd tallaabo muhiim ah oo loo qaaday jihada dhab u heshiinta.

3. Bulshooyinka colaaduhu dhex mareen iskuma raacsana sida loo maamuuso, ama looga hadlo sooyaalka dalkooda, oo inta badan ay qoreen kuwa xoogga badan ama kuwa ku “guuleystay” colaaddii jirtay. Sidaas darteed, taallooyinka iyo xitaa hey’adaha dowladda, sida booliiska, millatariga iyo maxkamadaha, waxay noqon karaan astaamo waranka kusii ligliga dadka tabashada qaba.

4. Bulsha walba oo colaadi dhex marto waxay u baahan tahay dibu heshiisiin yoolkeedu yahay dhab u heshiin iyo tuhun bixin. Dad badan oo Soomaali ah ayaa rumeysan in dibu heshiisiintu ay tahay “mashruuc”, loona baahan yahay in lagu gudbo wixii dhacay. Nasiib darro, fahamkaasi waa mid aan tixgalin siineyn dadka wax tabanaya. Dhibaatada Soomaalidu kala tirsaneyso waxay u baahan tahay in loo dhabar adeygo si loo tiigsado hadafka “dhab u heshiinta” ah.

Inta laga gaarayo “dhab u heshiin” waxaa lama huraan ah in bulshadu iska qanciso wax walba oo la xiriira dowladnimada iyo tariikhda dalka.

Wabillahi Towfiiq,

Waxaa Qoray: Cabdi Caynte

Hadalsame Media