Muqdisho waxay mudan tahay metelaad ka badan 7 xubnood (Balse qaabkee lagu heli karaa?)

0

(Hadalsame) 04 Juun 2020 – Waxaa beryahan deryaamaya durbaanno qabyaaladeed oo ka dhashay markii suuqa lasoo geliyey war sheegaya in ay Muqdisho heshay 7 senatar oo ku metelaya Aqalka Sare.

Dadka qaar ayaa aad uga badbadinaya arrinta iyaga oo ku hanjabaya inay kacdoon samaynayaan, kacdoon? Haa kacdoon aan weliba nidaamsanayn oo laftiisu qabyaaladaysan qorshe la isku ogyahayna aan lahayn.

Magaalada Muqdisho oo ah midda ugu muhiimsan dalka Somalia siyaasad, dhaqaale iyo bulsho ahaan, isla markaana ah isha qura ee weli u taagan midnimada dalka oo ah mid ay kalsooni darro iyo shaki dhex dhigeen siyaasiyiin sumaysan oo si xun uga faa’iidaystey kaararka qabyaaladda.

Sidaa darteed, waa muhim in marka la doonayo in ay Somalia noqoto meel ay dadkeedu ka macaashaan, duniduna ka faa’iidaysato fursadaha faraha badan ee Somalia kasoo bixi kara, waxaa muhim ah inay doodaha niicda ah ee gobollada ka imanaya oo kale aan laga helin ama laga maqlin caasimadda.

MUQDISHO WAA MAGAALO QARAN – Waxaan arkay dad ku doodaya ”meel heblaba sidaas ayaa laga sameeyaa”, maya sidaa maaha, ujeedkeennu waa dhismaha Somalia ku shaqaysa nidaam hufan oo dunida la jaan qaada ee ma aha inaan xumaan kala min guurinno.

Caasimaddu kuma dayan karto sida ay u fikirto hal tuulo ama degmo uu hal qoys deggan yahay, waayo caasimaddu waxay ogtahay ama la nooshahay xaqiiqo ka duwan midda tuuladaa ama degmadaa maxaafidka ku ah arrimo aan xallinayn duruufo qaran ama aan dhisayn aragti guud oo ay dadku ku wada raystaan.

Muqdisho waa magaalada laga doonayo inay dhigto tusaale fiican oo keeni kara inay meesha ka baxaan doodaha ah ku dhisan aragtiyaha reeraysan ee dib u socodka ah, reeraha laftoodana aan khayrka u lahayn ee ay kaliya kasoo baxayaan inay dalka kala xirxiraan iskuna diraan, cadowga shisheeyana u loogaan ama saamayntiisa u nugleeyaan.

Mid kalena ku darso, haddii ay maalin kasta dad aan lahayn sharciyad metelaad oo ay marka horeba Muqdisho ugu hadlaan ay iska sheegaan hadallo aan istiraatijiyadaysnayn oo natiijo xun keeni kara, waxaa fursad helaya dadka diiddan inay Muqdisho xaqeeda hesho.

MAXAA LAGA YEELAYAA METELAADDA?

Muqdisho oo ay deggan yihiin dad ku dhow 3 milyan cidna metelaad ka baryi mayso, weliba dunida waxaa wax lagu qiimeeyaa tirada dadka ku nool halkii KM oo jibbaaran, ee cidina ma qiimayso gobol bed wayn balse cidlo ah, sidaa darteed, Muqdisho waxay xaq u leedahay metelaadda ugu badan AQAL kasta oo sharci dejin ah oo Somalia laga sameeyo, mid sare iyo mid hoose.

Yeelkeede, waxaa loo baahan yahay doodo saxan, bisil, xeerin leh, kana tarjumaya dadka deggan magaalada caasimadda ah.

Tusaale, haddii aad qabto inaad adigu xaq u leedahay in aad maamusho magaalada maadaama aad u badan tahay, waxaad taa ku gaari kartaa codayn, waana midda marka ugu dambaysa lagu kala baxayo, sidoo kale haddii aad u badan tahay, xitaa haddii wax lagu qaybiyo 4.5 weli adiga ayaa fooska leh, sidaa darteed, uma baahnin dood aan micne lahayn oo madax maran oo aan sanduuqa bannaankiisa ka fikiraynin ka burqanaysa.

4.5 qof diiddan iyo qof jecelba waa marxalad hadda taagan, balse aan abid waari doonin, marka qofna uma baahna inuu tamar badan iskaga khasaariyo wax iska baabi’i doona. Meesha loo socdaa waa in qofka Soomaaliyeed marka dambe lagu qaato wax qabadkiisa oo qabiilkiisa la iska illoobo. Haddaba, waxaan soo jeedin lahaa:

1 – In iyada oo maanka lagu hayo in aan shalayba 7 xubnood la haynin ay Muqdisho u dooddo sidii ay ku heli lahayd metelaadda ay u qalanto iyada oo ah magaalo Soomaaliyeed oo doodaha ku saabsan la gaarsiinayo kuwa u qalma CAASIMAD QARAN.

2 – In xitaa haddii hadda 4.5 wax lagu qaybiyo marka dambe cod lagu kala bixi doono, taasoo fursadda siinaysa qofka aaminsan inuu caasimadda u badan yahay. Tan kale, adiga oo qaadanaya waxa markaa miiska saaran ayaad si silmi ah oo qurux badan ku raadsan kartaa waxa kaa maqan.

3 – Waa in la xusuustaa in siyaasiyiintii hore, oo ay hadda qaarkood qaylinayaan, balse marna u jajabnayn inay Muqdisho maqaam iyo metelaadda ay mudan tahay siiyaan, aan doodohooda siyaasadaysan lagu lug go’in.

4 – Wax kasta oo ku saabsan raadinta xaqa Muqdisho ka maqan waa in lagu doonaa qaab ay ilbaxnimo ka muuqato, magaalo waxaa iska leh ninkii deggan, isaga ayayna noloshiisa taabanaysaa.

5 – Waa in Dowladda Hoose ay soo saarto sharci si waadax u qeexaya qofka ka qayb geli kara doorashooyinka heerka degaan (ka hadli mayni midda heer qaran) iyo inta sano ee laga doonayo inuu Muqdisho degganaado kahor inta uu xuquuqda codayneed iyo midda musharraxnimo yeelanayo (ka hadli mayno inuu reer hebel ka dhashay, waayo taasi meelna noo wadi mayso waana in Somalia oo dhan laga tirtiraa).

6 – Marka aan dibedbaxayno, dagaallamayno, ama cabanayno, ujeedku waa inuusan ahaan ku doodista wax dahsoon oo aan la taaban karin, waxaa oo dhan uma samayn karno sports ahaan, maalin kasta uma taagnaan karno foowdo aan mira dhal noqonaynin, sidaa darteed, dooddu ha noqoto:

a) Muqdisho oo metelaad hesha

b) Qofka metelaya oo micne muuqda iyo waxbaqad lagu dooranayo.

c) Doodaha lagu raadinayo xaqa dadka caasimadda oo la magaalaynayo iwm.

d) Waa inuu degsan yahay qorshe ay raalli ka yihiin dadka reer Muqdisho oo dhisaalan, la fahmi karo, arrintann ku wajahan (political narrative) ee aanu odayba meel ka qaylin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media