DAAWO: ”Kusoo noqda UK!” – Dadka Ingiriiska ah oo BREXIT u codeeyay oo war ay la yaabeen ka maqlay RW UK

0

(London) 04 Juun 2020 – RW Britain, Boris Johnson, oo caan ku ahaa magaca “Get Brexit Done” ayaa shaqaalaha Midowga Yurub ee UK ka shaqaysta u jeediyey inay dib ugu soo laabtaan dalkaasi, si ay gacan uga gaystaan kobaca dhaqaalaha, karoonaha kaddib.

Boris ayaa u jawaabatey weriye Talyaani ah oo la yiraahdo Marco Varvello oo wax ka waydiiyey dadka ajnabiga ah ee ka shaqeeya UK.

”Maxaan ku iraahdaa saaxiibbadayda Talyaaniga, Talyaaniga doonaya inay kusoo laabtaan UK, ”soo laabta”. Tutti benvenuti!” ayuu ku jawaabey Johnson.

”Kusoo noqda London ama UK, balse waa inaad is karaantiishaan, waayo muddo dheer baa la handaraabnaa.” ayuu raaciyey.

Tutti benvenuti ayaa waxay afka Talyaaniga ku tahay “gebigiin soo laabasho wacan”.

Maadaama uu ujeedka Brexit ahaa in la joojiyo isu socodka Midowga Yurub iyo UK, dad badan baa la yaabay jawaabta Johnson, waxayna arrintii la tageen barta Twitter-ka.

Hadalsame Media