Maraykanka oo Qadar la saftay (Sucuudiga oo uu ku cadaadinayo inay joojiyaan xayiraadda)

0

(Washinton, DC) 04 Juun 2020 – Sida ay qortay warbaahinta Aljazeera, dowladda Mareykanka ayaa ku cadaadineysa dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka in ay qaadaan xayiraadda saaran dalka Qatar isla markaana shirkadda diyaaradaha Qatar Airways u ogolaadaan in ay hawadooda ku duusho.

Madaxweyne Donald Trump ayaa hoggaanka Sacuudiga ku tirtirsiinaya in ay dhameeyaan xayiraadda saaran Qatar, sida saraakiil ka tirsan Mareykanka iyo Sacuudiga u sheegeen wargeyska Wall Street Journal ee Mareykanka ka soo baxa.

Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka diplomaasiyadda u jarey Qatar shantii Juun 2017, ayagoo ku eedeeyay in Doxa taageerto isla markaana maalgeliso argagaxisada inkastoo Qatar ay iska diiday eedehaas.

Talaabadan maamulka Trump ay ku dhaqaaqeen ayaa la xiriirta xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, waxayna Mareykanku doonayaan in dhaqaalaha Iran ka soo galay isticmaalka hawadeeda ee diyaaradaha Qatar laga joojiyo, sida laga soo xigtay saraakiisha.

“Waxaa isa soo taraya baahida loo qabo in si deg deg ah loo xaliyo arrinta hawada,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah. ” Waxaa xasaasiyad ka qabnaa lacagta aadeysa Iran ee ay bixiso Qatar Airways.”

Walaaca dhabta ah ayaa ah in Ciidanka Mareykanka ka tirsan saldhiga Al Cudeid ee Qatar ku yaala ayaa isticmaala diyaaradaha ganacsiga ee Qatar kuwaas oo mara hawada Iran.

Waxaa Diyaariyey: Cali Cabdiraxmaan

Hadalsame Media