FAALLO KOOBAN: Maxaad u fahamtey metelaaadda magaalada Muqdisho?

0

(Hadalsame) 04 Juun 2020 – Caasimadu waa inay matalaad heshaa dad ayaa u qaatey reer hebel waa in xaq ka Maqan la siiyo. Saas ma ahan ee waa in guud ahaan dadka caasimadda degan dad matali karo la helo.

Micnaha waa in shacabka Caasimadu helaan cid ay la xisaabtami karaan oo Wadooyinka u dhistay, horrumarkooda ka shaqeysa, markii ay rabaan naga tag dhihi karaan haduu wax qaban waayo.

Waaba iyaga yaabiyeen matalaada caasimada ayey u qaateen reer hebel iyo jufo hebel.

Waxaan u maleynayaa hala codeeyo haddi la dhaho in qabiil walba qofka ka soo jeeda u codeeyo. Jahligii Soomaalida heerkaas ayuu marayaa.

Kuwa 4.5 na baray balaayo ayey na bareen. Cudurka na heysta waxaa ka mid ah odeyaal afar jeeblayaal ah. Heer waxaan mareynaa shaqadii xataa 4.5 noqotey.

Mardhaw waxaan arki doonaa odeyaal dhahaya wararka Idaacadaha ka baxaya iyo suxufiyiinta xitaa waa in 4.5 lagu saleeyo.

Xaq iyo baadil iskuma eka ee Qabyaaladaani yeysan halaag noo horseedin.

Waxaa Qoray: Maxamed Odawaa

FG: Aragti kasta waxay ka tarjumaysaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media