Caddaan ku hubaysan qoryaha meelaha fog wax ka shiisha oo lagu arkay xaafado ay dibedbaxyo ka socdaan (Dadka oo taxaddar la faray)

0

(Philadelphia) 02 Juun 2020 – Xilli ay Maraykanka ka socdaan dibedbaxyo ay cadaalad madani ah ku doonayaan dadka madow ee Maraykanka iyo guud ahaanba dadka laga tirada badan yahay, ayaa waxaa misna socda dad doonaya inay qaddiyaddaa suurad xumeeyaan.

Duqa magaalada Seatle ee Gobolka Washington, Jenny Durkan ayaa ka mid ah dadka si toos ah u qiray inay jiraan dad caddaan ah oo xagal daacinaya dibedbaxyada dadka madoow iyagoo bilaabaya qalalaase iyo bililiqo, si ay dooddu isugu rogto inay dadkani mukharribiin rabsho u joog ah yihiin.

Iminka waxaa soo baxaysa in xaafadda Port Richmond oo ka tirsan caasimaddii hore ee Maraykanka ee Philadelphia lagu arkay qannaasyo wax toogta oo saaran saqafyada guryaha, kuwaasoo la sheegay inay xaafaddaa dibedda uga yimaadeen oo aanay ka tirsanayn, sida ay sheegtay gayfane Vanessa Maria oo sidoo kale ah weriye madax bannaan.

”Qofkii sawirkan ila wadaagey wuxuu ii sheegay inay badankoodu dool yihiin,” ayay tiri Vanessa oo soo jeedisey in arrintan aad looga taxaddaro.

Caddaanka xagal-daacinta wada ayaa u badan kuwa cunsuriga ah ee midigta fog, kuwaasoo carrab laalaadin badan ka haysta Madaxwaynaha aan mas’uulka ahayn ee Maraykanka, waloow ay jiraan caddaan badan oo dibedbaxa kala qayb qaadanaya madowga.

Hadalsame Media