Goorma ayuu dib u bilaabmayaa duullimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho?

0

(Ankara) 02 Juun 2020 – Dalka Turkey ayaa si rasmi ah Isniintii, 1-dii Juun waxaa uu dalkaasi fududeeyey xannibaadihii uu soo rogey kaddib dillaacii caabuq sidaha faafa ee coronavirus.

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha dalkaasi, Adil Karaismailoğlu ayaana ku dhawaaqay in Turkish Airlines ay duullimaadkeeda 1-aad soo celinayso isla Isniinta, iyadoo ku bilaabaysa kuwa maxalliga ah ee Istanbul iyo caasimadda Ankara.

Yeelkeede, sida ka muuqata webka Turkish Airlines, waxaa sidoo kale wixii ka bilaabma 17-ka Juun bilaabmaya duullimaadyadii tegayey caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Zakariye Hurre oo ku sugan magaalada Ankara oo arrintan si dhow ula socdey ayaa Hadalsame Media u sheegay inuu shakhsiyan u arkay dad tigidh u jartay Jabuuti oo ay dayuuraddu kusii hakato marka ay ku joogtid jidka Muqdisho.

Hadalsame Media oo sidoo kale warkan hubiyey ayaa webka Turkish Airlines ku arkay in la jaran karo tigidhada diyaaradda ee duullimaadka 17-ka Juun, maalinnimo Arboco ah tegaya Muqdisho.

Yeelkeede, weli ma jiro war rasmi ah oo si mucayin ah arrintaa u sheegaya oo kasoo baxay Turkish Airlines, waloow horay loo ogaa inay duullimaadyada caalamiga ah qaarkood soo celinayso 10-15-ka Juun.

Hadalsame Media