Xaliimo Yareey XAAL halla siiyo! (Laba sababood oo looga khaldan yahay)

0

(Hadalsame) 01 Juun 2020 – 21-kii Maajo, waxaa dood lagu qabtay xarunta PDRC ee Garoowe taasoo ka dhexeeysey dad loogu magac daray ”Labeenta reer Puntland”, taasoo looga hadlayay Doorashada Somalia ee 2021-ka, waxaana ka qayb galay, siyaasiyiin ay ka mid yihiin Faroole, Jurille, Juxaa, Deni, Gaas iyo rag kale oo reer Puntland ah.

Ma lihin waa dumare maxaa looga hadlayaa iwm, maadaama ay siyaasiyad tahay oo ay xil umadeed hayso waxna laga waydiin karo taas, yeelkeede, doodda ayaa u muuqatey mid ka lunsan jihada saxda ah balse si gaar ah ugu wajahan Guddoomiyaha Guddiga Maxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yareey), iyadoo ka habowsan laba xaqiiqo.

XAQIIQADA 1-AAD – Xaliimo Yareey, waloow ay tahay Guddoonka Doorashooyinka misna ma aha in markii doorasho laga hadlayo iyaga shakhsiyan loo falanqeeyo, iyada oo la xugminayo garashadeeda iyo go’aan qaadashadeeda, wixii ay samayn lahayd iyo wixii aan ka suuragaleen.

”Haddii lagu yiraahdo berri Doorasho maka qabanaysaa Sucuudiga Carbeed, Xaliimo Yareey waxay iska oranaysaa ‘HAA!,” ayuu ku dooday Cabdiweli Gaas oo aan la fahmin waxa uu kelmaddaa ula dan lahaa ee waafiqi kara moowduucii doodda, balse uu ka lahaa dan ah inay wax kasta iska ogoshahay.

XAQIIQADA 2-AAD – Xaliimo waa Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Qaranka, balse ma aha shirkad iska leh Doorashada Somalia oo iyagu u samaysatay meel laga furo ama laga xiro, iyadana loogama fasax qaato.

Waxay kaliya guddoomisaa guddi wax fududeeya oo wixii ay soo diyaariyaan horgeeynaya madaxda sare ee DF, Labada Aqal iyo Maamul-goboleedyada, kaddibna waxaa lagu howl gelayaa wixii la isku waafaqo, sidaa darteed, ma jirto sabab si gaar ah loogu xagxagto Xaliimo Yareey.

Isku soo wada duuboo, maadaama ay labadaa xaqiiqo jiraan, waxay Xaliimo Yareey mudan tahay in laga raalli geliyo in iyada lagu shido toosh khaldan iyo gebi ahaanba inta laga gudbo arrimaha doorashooyinka qof marwo ah loo dhoco oo sumcaddeeda iyo fikirkeeda gaarka ah la duro.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

FG: Aragti kasta waxay ka tarjumaysaa magaca qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media