DEG DEG: DF Somalia oo shatiyadii duullimaadka kala noqotay shirkado Kenyan ah (Akhri sababta)

0

(Muqdisho) 01 Juun 2020 – DF Soomalia ayaa shatigii duulimaadka dalka Somalia kala noqotay laba sharikadood oo ka diiwaan gashan dalkaasi Kenya oo duullimaadyo ku iman jirey Somalia, sida ay sheegtay VOA oo ilo xog ogaal ah soo xiganaysa.

DF Somalia ayaa labadan shirkadood middood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES, ku eedaysay in diyaarad ay iyadu leedahay ay si sharcidarro ah Qaad kusoo gelisay gudaha Somalia, iyadoo sida darteed ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay DF ee dhinaca duullimaadka caabuq-sidaha COVID-19 awgii.

Sararaakiisha duullimaadka rayidka ugu qaybsan DF Somalia ayaa intaa daba dhigay in diyaarad ay sharikaddaasi leedahay  ay 26-kii Maajo shixnad Jaad ah ka dejisey magaalada Buuhoodle ee woqooyiga dalka, iyadoo rukhsadda ay kusoo gashay hawada Somalia ku heshay qaab been abuur ah kaddib markii ay sheegatay in siddo gargaar dawo ah.

DF ayaa sidoo kale shatigii ka xayuubisay sharikadda Silverstone Air Services oo lafteedu ku eedaysan inay Qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay dalka, sidaa darteedna ay ku tumatay xayiraadihii ay soo rogtay DF ee la xiriirtey xakamaynta cudurka COVID-19.

Diyaarad ay sharikaddani leedahay ayaa lagu helay inay 31-kii Maajo ka degtay magaalada Jawhar ee caasimadda HirShabeelle, iyagoo ku shixnadan Qaad fara badan, tiiyo ay hawada kusoo gashay inay Dawo siddo.

Ma jirto cidna ka tirsan Dowladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay oo weli ka hadlay tillaabada DF Somalia.

Hadalsame Media