”Minnesota waxay murugtey markii ay yimaadeen Soomaalida madow!” – Nin Sucuudiyaan oo si xun u aflagaaddeeyey Soomaalida

0

(Minneapolis) 31 Maajo 2020 – Waxaa magaalada Minneapolis ee ay Soomaalidu ku badan tahay ka bilowday rabshado ku baahey magaalooyinka waawayn ee dalka Maraykanka, kaddib markii jilib lagu ceejiyey muwaadin madow ah oo la oran jirey George Floyd, waxaana rabshadaha ka dhex muuqda Soomaalida Maraykanka.

Nin Sucuudiyaan ah oo la yiraahdo Dr Saalax Al Raajixi ayaa haddaba kabaha la dul maray guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Soomaalida, oo sida qaabka uu qoraalka u dhisay laga dhadhansan karo inuu iyaga u dan lahaa bilowgiiba.

Ninkan ayaa dadka madoow oo uu ku sheegay inay cawaannimadoodu xadka dhaaftay wuxuu ka yara afeeftay dilka Floyd oo ay muuqato inuusan laftiisa jacayl badan u qabin, ayaa sheegay inay ”madowgu heleen fursad ay wax ku kharribaan.”

Wuxuu sheegay inuu laftiisu uu 7 sanadood ku noolaa Gobolka Minnesota, isla markaana ay ”dadka asalka ah” oo uu ula jeedo Yurubta cad ee kasoo haajirtey Scandinavia, ay yihiin dad aad u macaan, si ka duwan sida ay qabto taariikhda oo dadka asalka ah u aragta dadka ay reer Galbeedku u yaqaannaan ”Hindida Cas Cas”, waloow aysan casayn Hindina ahayn.

”Yeelkeede, markii ay soo degeen Soomaalida madoow,” ayuu yiri Al Raajixi oo u dhaadhacaya dulucda warkiisa. ”Kuwaas oo ay metesho Ilhaan Cumar, wuxuu dembigu u faafay si wayn.” ayuu yiri.

Hadalka ninkan ayaa xitaa ka hor imanaya xeerka u degsan Twitter-ka maadaama uu ka buuxo isir nacayb, aflagaaddo, jamcinta sinji gaar ah, xugmintooda iyo midab takoor.

Ninkan ayaa aad u weerara Soomaalida, dadka madoow iyo gaar ahaan Ilhaan Cumar, isagoo aad taageero ugu muujiya Donald Trump iyo dadka caddaanka ah ee cunsuriga ah.

Hadalsame Media