DAAWO: Booliiska New York oo sameeyey arrin kale oo shacabka kasii caraysey!

0

(New York) 31 Maajo 2020 – Gawaarida Booliiska New York ee NYPD ayaa kas dadkii u dhex jeexay xilli ay dadku iskugu soo bexeen dibed baxyada ruxaya Maraykanka kaddib dilkii ninkii reer Minnesota ee George Floyd oo uu nin booliis ihi jilibka ku ceejiyey.

Muuqaalkaa naxdinta leh oo ay malaayiin dad ihi daawadeen ayaa keenay inay dadku dibed baxyo dhigaan, waxaa se NY ka dhacday arrin kale oo muujinaysa mas’uuliyad darro kaddib markii ay gawaari ah nooca Ford SUV ay dhex galeen dad jidka dhigtay xannibaado.

Waxaa la arkayey dadka oo wax ku tuuryeeynaya hal gaari, balse wuxuu sugayey mid kale, isagoo markii uu yimid ay mar qura ku sheellareeyeen xanibaaddii ay dadku jidka dhigeen iyo dadkiiba.

Waxaa deeto dhinacyada u kala baxsaday dadkii oo ay baqdin cusubi gashay.

Kaaga darane Booliiska NY ayaa dhaqankan u qiil sameeyey iyagoo sheegay inay arkeen boorso holcaysa oo dhankooda loosoo tuuray, balse Alexandria Ocasio-Cortez (D-NY) oo magaaladaa metesha ayaa madaxda NYPD ka codsatay in sharciga la hor keeno raggii falkan ku kacay.

Barasaabka New York, Bill de Blasio, ayaa sheegay baaritaan buuxa arrintan lagu samayn doono, balse wuxuu sheegay inay dadku ku khaldan yihiin inay tuuryeeyaan Booliiska.

Lama sheegin cid dhaawac darani soo gaarey.

Hadalsame Media