DHEGEYSO: ”Waxay iska soo dhigtay qof wiilka ay DISHEY u sheegaysa geerida eedadii!” – Wacaal kusoo kordhay naagtii ninkeeda dishey

0

(Dayniile) 31 Maajo 2020 – Dhacdo murugo leh ayaa saaka ka dhacday xaafadda Raadeelka ee Degmada Dayniile kaddib markii uu dagaal qoys ku dhamaaday khasaare nafeed.

Guddoomiye Waaxeedkii Halgan, Cabdulqaadir Maxamed Siicow (Fool-dibi) ayaa u geeriyoodey dhaawac culus oo ay xaaskiisu gaarsiisey oo wadnaha mindi uga mudday, isagoo dhintay isla markii la geeyey isbitaalka Digfeer.

Haddaba, xaaskiisa 2-aad oo la yiraahdo Fahmo Axmed Maxamed, ayaa haatan ka hadashay waxa dhacay marka dhankeeda laga eego.

Waxay Fahmo sheegtay in uu marxuumku gurigeeda joogey, iyada oo uu dilku ka dhacay iridda guriga oo ay ku sugaysey xaaska kale ee dili doonta.

”Hadallo yar yar ayay is dhaafsadeen, kaddibna toorreey ayay lasoo baxday oo ay ku dhufatay,” ayay tiri Fahmo oo u warrantay idaacadaha Muqdisho.

Fahmo ayaa sheegtay in aanu fiicnayn xiriirka ay la lahayd xaaska kale sidaa darteed aysan gurigeeda iman jirin, balse ay saaka kusoo cid gashay arrin ku saabsan islaan eeddo u ahayd marxuumka oo dhimatay, isagoo iska dhigtay inay ninkeeda u raadinayso arrintaa darteed.

”Markii ay aragtay waxaan maqlay iyada oo leh labadeenna maanta qof ayaa dhimanaya, iyo isaga oo ehbinaya, xilligaasna wax yed ah oo ay sidatey ma jirin, mana la filayn, balse markii dambe waxaan arkay ninkii oo dhiig ka socdo.” ayay raacisay Fahmo oo sheegtay in isaga oo garaab ah isbitaalka loola cararay oo uu halkaa ku dhintay.

Hadalsame Media