DEMBIGEE LOO DILEY? Gaari caasi ah oo ay 20 qofi saarnayd oo qof qur ihi ka badbaadey

0

(Muqdisho) 31 Maajo 2020 – Dad 6 qofood ka badan oo wada rayid ah ayaa ku dhintay, halka ay qaar kalena si xun u dhaawacmeen kaddib markii gaari caasi ah oo ay saarnaayeen saaka aroortii qarax lagula eegtay degaanka Xaawo Cabdi oo u dhexeeya magaalada Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa dhacay oo lagu sheegay inuu ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa la kacay gaariga, sida uu xaqiijiyey Guddoomiya degaanka Ceelasha Biyaha oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Wuxuu sheegay in gaariga la qarxiyey uu ka mid ahaa gawaari u socotey degmada Wanlawayn, isagoo sheegay in ay hal gabar oo qur ihi ka badbaadey qaraxa, halka intii kale ay iskugu jiraan wax dhintay iyo wax si xun u dhaawacmay.

Guddoonka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale sheegay inuu xog ku helay in guud ahaan ay gaariga la socdeen 20 qofood, taasoo muujinaysa qarada khasaaraha gaarey dadkaa rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Falkan oo ah dembi dagaal oo cad ayaysan jirin cid sheegatay, waloow ay badnaaa meelahaa miinooyinka dhigto kooxda Al-Shabaab oo marar badan waxyeello u gaysta dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Hadalsame Media