WARBIXIN: Nidaamka Sucuudiga oo muujisanaya NACAYB uu u qabo Islaamka & Qaddiyadda Falastiin (Istaraatijiyad maan-gaabnimo ah)

0

(Hadalsame) 31 Maajo 2020 – Warbixin dhowaan laga baahiyey hilinka Saudi 24 ayaa Ikhwaanka ku eedeeyey inay taageeraan gooni u goosadka koonfurta Yaman, tiiyoo ay jirto in la wada ogyahay Imaaraadka oo Sucuudiga olog la ihi uu taageero isla markaana aasaasay.

Dhanka Falastiin, waxaa kooxda Xamaas oo u dagaallamaysa dadkeeda ay saxaafadda Sucuudigu ku tilmaantay urur argagixiso, iyagoo ku eedeeyey inay afduub ku haystaan Marinka Gaza.

Saxaafadda Sucuudiga oo aan ahayn mid madax bannaan ayaa ku shaqeeysa siyaasadda boqortooyada tirada yar ee dalkaa xukunta, waxayna baahisaa qoraallo, aflaam, warar iyo barnaamijyo ay dejisey isla boqortooyadu, waxa beryahan ku cusubi waa Sucuudiga oo muujisanaya nacayb ku aaddan Muslimiinta kale iyo marin habaabin ku aaddan qaddiyaad ay Muslimiintu/Carabtu leeyihiin.

Saudi Arabia ayaa kaalinta 170-aad uga jira caalamka iyadoo ay dunida oo dhan ku yaallaan 10 dal oo qura oo kaga liita dhanka madax bannaanida saxaafadda marka la eego qiimayna sanadkan 2020 World Press Freedom Index.

Sucuudiga ayaa tan iyo markii uu gacanta ku dhigay MBS, wuxuu dabaqayaa siyaasad gebi dhaclaynaysa oo aan la saadaalin karin, ama xitaa la fahmi karin ujeeddada istaraatijiga ah ee ku jira marka si caqli iyo cilmi xambaarsan loo lafa guro.

Tusaale, MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan oo mar lagu tilmaamayey ”olog la isku hallayn karo”, haatan waa la shaydaameeyey oo waxaa lagu sheegay Khaliif Cusmaani ah, oo “argagixinaya” gobolka si uu isaga iskugu dhiibo.

Taliska Asad oo ay mar ku hubaynayeen kooxaha xag-jirka ah ee bilaa ujeedka ah, si xilka looga tuuro, haatan waxaa loo arkaa nin lala heshiin karo si loogu soo daro isbahaysi ka dhan ah Turkiga, taasoo muujinaysa is burrin fara badan oo sidoo kale ka socda Twitter-ka.

DHIIRRI GELINTA ISLAAM NACAYBKA

Sida kali talisyo badan oo ku dul fadhiya shucuubta Khaliijka, wuxuu nidaamka Sucuudigu cadowgiisa 1-aad ee istaraatijiga u arkaa wax kasta oo aragti Islaam xambaarsan, waana sababta uu u maalgeliyey afgembigii dhiiggu ku daatay ee 2013-kii ka dhacay Masar. Sidoo kale waa sababta ay iskugu dhacsan yihiin Qadar oo iyadu ah dalka qura ee Khaliij ah ee la safatay MW Mursi-gii silaca loo diley.

Marka aad daawato hilinka uu Sucuudigu leeyahay ee al-Arabiya waxaad dareemaysaa sida ay uga dheggan tahay Islaamka, gaar ahaan masaajidda iyo hay’aadka diimeed, iskuullada ilaa matxafyada Muslimiinta ee ku yaalla Galbeedka ayay u sawiraan xag-jir iyo wax la jira.

Waxaa xitaa nidaamyada Sucuudiga iyo Imaaraadka iwm lagu eedeeyey inay maalgeliyaan kooxaha xag-jirka ah ee midigta fog ee Muslimka neceb, si nolosha loogu adkeeyo Muslimiinta galbeedka. Waa istaraatijiyad rakhiis ah oo kaliya ku saleeysan cimri dherer dhanka kursiga ah, balse muddada fog iyaga laftooda la degi karta, maadaama dadka ay xukumayaan ay Muslimiin yihiin.

Al Arabiya waxay joogista Muslimiinta ee Galbeedka ku rinjiyaysaa inay yihiin kuwo xiriir la leh “argagixiso”, iyadoo la sheegay in nidaamka Sucuudigu uu Islaamka ka neceb yahay xitaa kooxaha cunsuriga ah ee Berlin ama Paris.

Siyaasadda maangaabnimada ku dhisan ee meel dhow aragga ee Sucuudiga ayaa waxay dhabarka u jeedisey Falastiiniyiinta, iyadoo u guuxdey wax uu Donald Trump, oo cidda qura ee wax ka dhegeysata dunida oo idil Khaliijka ka helay, ku tilmaamay “heshiiskii qarniga”, kaasoo si buuran oo ballaaran loogu sad-burinayo Yuhuudda, laguna aasayo xaqa reer Falastiin.

WADDANIYAD WAREERSAN

Dacaayadda uu faafinayo nidaamka Sucuudiga ayaa sidoo kale kicinaysa waddaniyad macmal ah oo aan ku dhisnayn dareen shacbawi ah, taasoo dadka ku dalqaminaysa halku dhegyo ay ka mid yihiin “Sucuudiga waxa leh Sucuudiyiinta” iyo “Falastiin ma aha qaddiyaddeeyda, taasoo ay la socoto eedo la iska saarayo Falastiiniyiinta iyo waxa ay u taagan yihiin.

Xilliyadii Ramadaanka waxaa aad loo dareemay in hillinada Sucuudiga laga saaray daraamayaal taxane ah oo doqoni garato ah lagu xayaysiinayo xiriir lala yeesho dalka Israel, iyadoo la dhayalsanayo waajibaadyo ay ka mid yihiin qaddiyada Falastiin iyo qiyamka Quddusta barakaysan iyo Masjidul Aqsaa.

Siyaasaddan caatada ah ee aan caqliga badan xambaarsanayn ee shaydaamaynaysa Falastiin iyo Muslimiinta kale, isla markaana sheekaynaysa Israel ayaa lagu tilmaamay sidii qasri bacaad ah oo aan caano badan dhiiqi doonin.

Sidoo kale, diidmada Sucuudiga iyo dalalka Khaliijka oo dusha uga taagan inay dunida Muslimku yeelato nidaam furan oo ay dadku xor u yihiin dabuubtooda iyo damuuxaadkooda, ayaa waxay burburisey muuqaalkii iyo sumcaddii ay ku lahaayeen dunida Muslimka oo iminka looga arko nidaamyo aragti gaaban oo wax kasta kursi dartii u samayn kara, karaamo iyo kas kalena aan lahayn, sidaa darteedna halis ku ah naftooda iyo tan shacabka ay dul saaran yihiin.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media