Gargaar caafimaad oo hor leh oo la gaarsiinayo gobollada dalka Somalia

0

(Muqdisho) 31 Maajo 2020 – Shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Safmarka Covid-19 oo xalay uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayrre, ayaa lagu go’aamiyay in gargaar caafimaad oo dheeraad ah la gaarsiiyo gobollada dalka.

Shirka oo ay ka qayb galeen xubnaha guddiga ayaa layskula qiray muhiimadda ay u leedahay in shacabka ku nool gobollada dalka la gaarsiiyo adeeg caafimaad oo dheeri ah, si loo badbaadiyo dadka uu cudurkani soo ridanayo loona xakameeyo faafidda Covid-19 oo culeys badan ku haya gobollada dalka.

DF Somalia ayaa ilaa xad ku dadaalaysa xakameynta cudurka Coronavirus tan iyo markii uu dalka soo gaaray waloow uu liito kaabaha caafimaad ee Somalia, iyadoo meelo badan oo ka tirsan gobollada dalka la gaarsiiyay gargaar caafimaad, wacyigelin joogta ahna laga billaabay si bulshada loo badbaadiyo, balse weli waxaa jira iimo badan oo dhanka dadka iyo dowladdaba ah.

Hadalsame Media