Wiil yar oo ”toosinaya” hooyadii oo mayd ah oo aad looga hadal hayo Hindiya (Ha daawan haddii aadan awoodin)

0

(Muzaffarpur) 29 Maajo 2020 – Muuqaal aad ugu baahey baraha bulshada ayaa muujinaya ilmo socod barad ah oo isku deyaya inuu toosiyo hooyadii oo dhimatay oo taalla maxaddo tareen oo ku taalla magaalada bariga Hindiya ee Muzaffarpur.

Qoyska hooyada oo la yiraahdo Arbina Khatoon ayaa sheegay inay u dhimatay baahi iyo harraad, taasoo muujinaysa silaca ay ku nool yihiin ajaanibta ka shaqaysa dalkaasi Hindiya, waloow ay booliisku ku doodayaan inay jirro u dhimatay.

Haweenaydan oo 35-jir ahayd ayaa ka mid ah ugu yaraan 9 ajaanib ah oo ku dhimatay tareennada gudohooda ama dibeddooda, iyada oo Dowladda Hindiya lagu eedeeyey inay dadku muddo dheer sugaan tareennadii qaadi lahaa ama aan la siinin saanad ay ku jid maraan maadaama ay safarradu dhaadheer yihiin.

Waxaa la arkayaa wiil yar oo 2-jir lagu sheegay oo jiidaya marada hooyadii oo taalla saldhig tareen oo ku yaalla  Muzaffarpur oo ka tirsan Gobolka woqooyi bari ee Bihar.

Booliiska ayaa sheegay inay bugto u dhimatay, balse dadkii la safrayey ayaa sheegay inay baahi iyo oon u dhimatay, maadaama ay safar dheer soo gashay iyadoo kasoo raacday Gobolka galbeedka ku yaalla ee Gujarat oo 1,800km (1,118 mayl) ka fog meesha ay ku dhimatay.

Handaraabka Covid-19 ayaa uga daray silicii ay ku noolaayeen dadka soo galootiga ah ee Hindiya ka xoogsada. Waxa ugu daran ayaa ah inuu maydka haweenaydani muddo iska yaalley maxaddadii lagu dejiyey.

Hadalsame Media