Booliiska Somaliland oo ku raad jooga dhallinyaro Muqdisho u socda oo ka tegaya magaalooyin ku yaalla Somaliland

0

(Hargaysa) 29 Maajo 2020 – Dhallinyaro ku dhaqan Somaliland oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa qorshaynaya inay socdaal ku tagaan magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya.

Dhallinyaradan oo doonayey inay si qarsoodi ah uga baxaan Burco Iyo Hargeysa ayey ka war heleen Ciidamada Booliiska Somaliland, balse ilaa hada umay suura gelin inay gacanta ku dhigaan.

Sida ay sheegayaan warar laga helay dhalinyarada, ciidamada booliska ayaa ilaa hada ka raadinaya xaafadaha Burco Iyo Hargeysa iyada oo ay dhallinyaradani dhuumasho ahaan ku joogaan guryo aan la garanayn meel ay kaga yaallaan labadan magaalo.

Dhalinyaradan oo tiradoodu tahay sagaal ayaa hada ku hawlan sidii ay uga bixi lahaayeen Burco iyo Hargeysa iyaga oo ka foojigan in ciidamada boolisku gacanta ku dhigaan, iyaga oo beegsanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xigasho: Hadhwanaag

Hadalsame Media