RW Khayrre oo kala caddeeyey arrin ay dood badani ka taagan tahay! (Waa maxay?)

0

(Muqdisho) 29 Maajo 2020 – RW Somalia, Xasan Cali Kheyrre, ayaa ka dhawaajiyey arrin beryahan aad loogu doodo, isaga oo sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda, taasoo uu sheegay inuu isagu aad iskugu xilsaari doono.

Wuxuu RW Khayrre oo ka hadlayey kulan khadeed shalay dhex maray Golaha Wasiirrada uu intaa daba dhigay inay xukuumaddu ka shaqaynayso hirgelinta hannaan doorasho oo ay umaddu u dhan tahay, taasoo ay ka shaqaynayaan wixii maanta ka bilaabma, taasoo uu sheegay inay muhim u tahay inuu dalku yeesho xasillooni siyaasadeed.

“Si aannu u ilaalino xasilloonida siyaasadeed ee dalka oo aan qabann doorasho xilligeeda qabsoonta, waa sida qura ee aannu dhaxal uga tegi karno si ay u waaraan wixii aannu soo qabannay,” ayuu yiri RW Kheyrre.

“Inay dalkan 4-tii sanadoodba doorasho la isla ogol yahay ka dhacdo, waa tan sharciyadda na siisay, sidaas darteed waa inaan ilaalinnaa.” ayuu daba dhigay Raysal Wasaaruhu.

Waxaa jira warar suuqa dhex yaacaya oo sheegaya inay XF ku tala jirto muddo kororsi, halka ay kuwa kale sheegayaan in ay MW Farmaajo & RW Khayrre isku khilaafsan yihiin arrintan oo uu Madaxa Xukuumadda Khayrre doonayo inay doorashadu xilligeeda ku dhacdo, si kastaba.

Doodaha ugu badan ee Somalia iminka ka taagan ayaa ku wareegaalaysanaya arrintan ku xiriirsan doorashada madaxtinnimada ee 2021-ka.

Hadalsame Media