Siyaasi kashifay IIN ay u badan yihiin siyaasiyiinta Somalia (Hindise lagu xallinayo oo uu keenay)

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2020 – Dalka Somalia ayaa la daalaa dhacaya dib u socod aan dhamaad lahayn oo ficiis ka reebay, taasoo ka dhalatay siyaasi indhool ah oo hoggaaminaya shacab dhagool ah.

Dhaayo-dhega la’aantaas ayaa keentay in dalka iyo dadku ay iska noqdaan kuwo u dhaxal yeesha dhibaatooyin aan dhamaad lahayn oo ay dhalisay siyaasadda hoowtal hamagga ah ee siyaasiyiinta iminka masraxa saaran oo u badan kuwo aan han, hiraal iyo aragti hoggaamineed lahayn, balse reeraha uun iska hor keena iskuna hujuuma.

Siyaasiga caanka ah ee Faarax Macallin oo ka mid ah siyaasiyiinta wax akhriya, ayaa haddaba soo jeediyey in loo baahan yahay in Somalia laga sameeyo sharci shuruudaynaya aqoonta qofka xilka qabanaya.

”Asalka dhibaatooyinka dunida soo koreeysa waa siyaasiyiin tuugo ah ama hoggaamiye kooxeedyo ummi xigeen ah,” ayuu yiri, isagoo daba dhigay.

”Dib u eeg dadka xilalka sare ee Somalia ku hardamayey tan iyo 1991-kii. Qaar aad u yar baa haysta shahaadada asaasiga ah ee Dugsiga Sare. Sameeya sharcu u baahan aqoon dhab ah.” ayuu yiri.

Hadalsame Media