Maxkamadda ICJ oo muujisay in aan dacwadda Somalia-Kenya dib ugu dhicin durayga Covid-19 dartii (Maxaa dadka ka daahan?)

0

(Hague) 29 Maajo 2020 – Waxaa beri dhowayd markii 3-aad dib loo dhigay dhegeysiga dacwadda badda ee ay Somalia ka gaysey Kenya, taasoo hor taalla Maxkamadda ICJ, waxaana sababaha baajinta loo cuskaday ama ay Kenya daliishatey ka mid cudurka Covid-19.

Yeelkeede, Maxkamadda Cadaaladda ICJ ayaa goor dhowayd soo gudbiyey dacwo u dhaxaysa labada dal ee Laatiin Ameerika ee Guyana iyo Venezuela.

Dacwadda labadan dal ayay Maxkamaddu u muddeeysey 30-ka Juun oo ah bisha soo socota, taasoo sidoo kale ahayd xilligii horay loo muddeeyey in la dhegeysto dacwadda Somalia-Kenya.

Waxaa qoraalka Maxkamadda ICJ la raaciyey in maadaama uu jiro cudurka faafa ee Covid-19, lagu khasbanaan doono in labada dal iyo saxaafaddu ay dacwadda kala socdaan dhanka khadka la iska arko, halka ay Maxkamadda si jireed u joogi doonaan xubno ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda.

Arrintan ayaa dhalinaysa dood ku aaddan in maadaama aanu Covid-19 dib u dhigin dacwadda Somalia-Kenya, waxa baajiyey dacwadda iyo waxa qarsan ee socda? Ma Maxkamadda ICJ ayaa Somalia gacan bidxanaysa mise madaxda ayaa wax isla og?

Hadalsame Media