Kenya oo ka walaacsan hub ay sheegtay inuu Turkigu siin karo Somalia oo wax ka bedeli kara awoodda Ciidamada Bariga Afrika

0

(Nairobi) 29 Maajo 2020 – Aqoonyahanka Kenyan-ka ah ee Onyango Ochieng Jr ayaa markale ku celiyey sida uu ugu xil hayo Somalia oo uu horayna u sheegay inay noqon doonto ”dal ay dunidu sare u wada eegto” sanadaha soo aaddan.

”Marka aad bilowga qooraansato 3-da sawir ee Muqdisho oo uu ku jiro midka Stadium-ka iyo dhulka badda dhex gelaya ee aad moodayso xeeb ku taalla California. Kaddibna aad eegto dayuuradda Turkiga oo ah nooca is wada (UAV), oo ah midda hawada u diiddey Wingloong, Pantasir, iyo ciidamada cirka gaangiistarka Xaftar ee Libya, isla markaana wacdaro ku dhigtay Shabifa-da uu Asad taageero iyo YPG ay Maraykanku taageeraan. Haddii uu hubkaa halista ihi galo gacmaha Ciidanka Xoogga Somalia (SNA), waxaa si buuxda isu bedeleeysa awoodda ciidan ee Bariga Afrika.” ayuu yiri Onyango.

”Somalia waa El Dorado-da cusub ee ganacsiga iyo maalgashiga. Waxaa aad ii cajab geliyey geeddi socodka qaran dhiska ah ee uu Turkigu dalkan ka wado,” ayuu daba dhigay.

”Farmaajo waa in uu si dhab ah ugu ololeeyaa in ay Ankara usoo dirto toogashadan xukuman (Daroonka). Waxay dhimaysaa khasaaraha, waxayna kaymaha Boni ka nadiifinaysaa dembiilayaasha, iyadoo SNA ka dhigi doonto ciidamo leh karti aan lasoo koobi karin.” ayuu warkiisa ku af-jaray.

Hadalsame Media