DHEGEYSO: Muxuu ku dhamaaday kulan ay yeesheen madaxda sare ee N&N oo looga arrinsanayey arrimaha doorashooyinka (Moowqifka RW Khayrre)

0

(Muqdisho) 29 Maajo 2020 – Waxaa ilaa xalay baraha bulshada dhex wareegeeysey sheeko ku saabsan in madaxda sare ee XF, gaar ahaan Madaxwaynaha iyo RW, lagu goostay inay hal weji ku galaan doorashada madaxtinnimo ee soo aaddan.

Yeelkeede, sida ay baahisey Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, kulan dhacay habeen aan fogayn oo dhex maray, kaasoo ay ka soo qayb galeen MW Farmaajo, RW Khayrre, Agaasimaha Sirdoonka Fahad Yaasiin iyo Guddoomiye Xigeenka 1-aad ee Baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa ku dhamaaday miro la’aan.

Kulankan oo loo agaasimey in la isku waraysto talo hoosana laga yeesho doorashooyinka, iyada oo RW laga doonayey inuu caddeeyo moowqifkiisa ku aaddan, ayuu RW Khayrre ka caddeeyey in uu doonayo in dhamaadka 2020-ka lasoo doorto Baarlaman cusub iyo in aan doorashada Madaxtinnimada aan la dhaafin bisha Febraayo ee 2021-ka.

RW Khayrre ayaa markale la waydiiyey arrinta ku saabsan inuu sharraxan yahay iyo in kale, wuxuuna ku gaabsaday in maadaama aysan hadda jirin axsaab u diyaarsan inay doorashada galaan uu musharrax kasta taa caddayn karo marka ay bil iwm ka harsan yihiin doorashada, sidaa darteed aanay jirin baahi iminka la isu waydiiyo, sida ay sheegtay Mustaqbal.

Khayrre ayaa la sheegay inuu markaa kaddib kulanka iskaga tegey, taasoo ka duwan warkii ilaa xalay soo baxayey oo sheegayey inay ugu yaraan madaxda sare heshiis ku yihiin inay muddo kororsi samaystaan.

RW Khayrre ayaa markale kulankii Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada ka caddeeyey in mabda’iyan uu aaminsan yahay in aanba dood la gelin inay doorashadu dhacdo 4-tii sanaba mar, maadaama ay taasi ku xiran tahay ”deganaansho siyaasadeed”, sida uu yiri.

Khayrre oo ah RW ugu waqtiga dheeraa Somalia, burburka kaddib, ayaa wuxuu doonayaa in sidoo kale dhaqse loo agaasimo kulan dhex mara DF iyo maamullada si looga wada hadlo qaabka doorashada soo aaddan ee heer qaran.

Hadalsame Media