Mudaaharaadkii Minneapolis oo boob isu bedeley, Soomaali ka qayb qaadatay & dhimasho ka dhacday + Sawirro & Muuqaal

0

(Minneapolis) 28 Maajo 2020 – Carada ka dhalatay dilkii bareerka ahaa ee George Floyd oo uu jilib ku khaarajiyey sarkaal booliis ah, ayaa qaab mudaaharaad ugu faaftay jidadka Minneapolis. Halkan ka daawo sawirrada.

Yeelkeede, waxay arrintu isu rogaysaa foowdo, iyadoo ay halkaa ka dhacday bililiqo iyo boob ka baxsan ujeedkii dibed-baxa, iyadoo la gubey dhismayaal badan oo ku yaalla xaafadda Lake Street, halka hal qof oo si xun loo toogtey, balse aan wixii toogtey la aqooni uu dhintay kaddib markii la geeyey HCMC.

Waxaa jira war sheegaya in uu ninka la toogtey ka mid ahaa dadkii wax bililiqaysanayey, halka qofka toogtey uu yahay milkiilaha dukaanka Pawnshop, waxaana lasoo werinayaa inay Soomaalida oo magaaladaa u badani ay bililiqada ka qayb qaadatay, taasoo aad usii dhaawacaysa sumcaddii awalba weerarka wajahaysey.

Sida uu sheegay afhayeenka booliiska, John Elder, waxaa ay booliisku gaareen Cadillac Pawn & Jewelry saacadda maxalliga ihi markii ay ahayd 1538 E.

Hal qof ayaa loo qabtay dilka ninka dhintay, waloow ay Booliisku sheegayaan inay dhib ku mudanayaan inay dadku la shaqeeyaan dembi baarayaasha, wixii Floyd ku dhacay dartii, balse wuxuu sheegay in ninka la diley ay u badan tahay inuu ka mid ahaa dadkii wax boobayey.

Nasiib xumo, dadka wax bililiqaysanaya oo u badan isla dadkii cabanayey ee madowga ah ayaa sidaa ku dilaya qaddiyaddooda, iyadoo durba la faafinayo dadkii oo iyaga oo aan ka miro dhalin ujeedkii dibed baxa oo ay xitaa ka qayb qaadanayeen dad caddaan ah, ku qancay farataysi iyo inay dhowr sheey ka xadaan dukaanadii jidka Bloomington Ave ku yaalley.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Barasaabka Tim Wal, ilaa 50-60 askariz oo ka tirsan State Patrol-ka Minnesota ayaa lagu xoojiyey kuwa magaalada Minneapolis police. Weli ma jiro qorshe ah in loo yeelo kuwa kaydka ah ee DF ee National Guard.


Hadalsame Media